Heshiis ka kooban 9 Qeybood oo qeyb kasta ay kasii kooban tahay qodobo kala duwan ayaa qeexaya in dowladda Soomaaliya ay ogolaatay in maamullada laga dhisayo ama loo sameynayo Bartmaha iyo Koofurta Soomaaliya aysan u madax banaaneyn dowladda Soomaaliya ee madaxweyne Xasan Sheekh, sidaasi darteedna ay tahay in ay markasta 3-dal ee Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya ka wada tashadaan wixii shaqo ah oo laga qabanayo qeybahaas gudaha Soomaaliya. HOOS KA AKHRI ORIGINAL DOCUMENT SOMALI & ENGLISH.
FIIRA GAARA AH: FADLAN WADANIYIINTA IYO SIYAASIYIINTA SOOMAALIYEED EE U DAMQANAYA DADKOODA IYO DALKOODA SI DEGENAAN AH U AKHRIYA WARBIXINADA IYO DOKUMINTIYADA HOOS KU QORAN MAHADSANIDIIN.
AF SOOMAALI, HALKAAN KA AKHRI HESHIISKA OO DHAN.
ENGLISH, HALKAAN KA AKHRI HESHIISKA OO DHAN.
ENGLISH, HALKAAN KA AKHRI WARBIXINTA HESHIISKA EE IGAD
Sida ku cad heshiiskaan Ma jirto dowlad kaligeed go’aan ka gaari karta maamulka qeybaha bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya, haddii ay noqon lahayd dowladda Soomaaliyaa, Kenya ama Itoobiya, waana in ay isla dhiraan dhiriyaan tilaab kasta oo la sameynayo haddii kale waa waxba kama jiraan.
Sida ku cad heshiiskaan waxaa howshaas fulinaya guddi ka kooban 3-da dowladood oo hoos tegaya xafiis cusub oo IGAD ku leedahay dalka Itoobiya, kaas oo keenaya hindisaha lagu shaqeynayo iyo sida wax loo maamulayo, xafiiskaas waxaa ka madax ah nin Kenyaati dhalad ah.
Sida ku cad heshiiskan guddiga howshaan fulinaya ee ka socda 3-da dowladood waa in ay wax kasta oo ay samaynayaan kawada tashadaan, wixii aysan isla ogleyn waa in loo codeeyaa waana in lagu socdaa codka 3-da guddi meeshii uu u bato, haddii aysan kuwada qancin waxaa dhex dhexaaadin kara oo kaliya xafiiska IGAD ee Addisabab ee ninka Kenyaatiga ah uu madaxda ka yahay.
Sida ku cad heshiiska madaxa Xafiiskaasi wuxuu leeyahay awood buuxda oo fulineed, wuxuu hoos tagaa IGAD, xafiiskaasi shaqo kuma lahan mana hoos tago xafiiska xoghayaha guud ee IGAD ee dalka Jabuuti oo waa ka madax banaan yahay.Ā
HESHIISKA OO DHAMEYS TIRAN IYO QODOBADIISA OO AAN AF SOOMAALI IDIIN KUGU TARJUNNAY HALKAAN KA AKHRI
FASIRAAD DHEERIYA IYO MACNBEYN HESHIISKAAN, WAXYAABAHA KU JIRA EE AAN SI CAD AFKA LOOGA SHEEGIN.
XOGHAYAHA FULINTA IGAD WAXAA LOOLAA JEEDAA :Ā ENG. MAHBOUB MAALIN,Ā waa xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD, xafiiskiisu wuxuu ku yaal dalka Jabuuti, wuxuuna u dhashay oo ka soo jeedaa Soomaalida dalka Kenya, waxaa loo yaqaan: IGAD Executive Secretary Eng. Mahboub Maalim.
XOGHAYAHA FUDUDEYNTA HOWLAHA NABADDA IYO DIB U HESHIISIINTA SOOMAALIYA EE IGAD WAXAA LOOLA JEEDAA: Kipruto Arap Kirwa, Waa Kenyati Asal ah, xafiiskiisu wuxuu ku yaallaa Addis Ababa, dhinaca awood fulinta iyo go’aanada ay isku mid yihiin xafiiska kale ee xoghayaha fulinta, mana hoos tago xafiiskaas. Waxaa loo yaqaan: IGAD Facilitator for Somalia Peace and National Reconciliation Kipruto Arap Kirwa.
GUDDIGA WADA JIRKA AH EE IGAD WAXAA LOOLA JEEDAA GUDDI KALA METELAYA QAAR KA MID AH WADAMADA IGAD OO KALA AH: Soomaaliya, Kenya iyo Ethiopia. Waxaa loo yaqaaan IGAD joint Committee, Sida ku cad warbixinno kale oo si rasmi ah ay u soo saareen wasaaradaha arrimaha dibadda Kenya iyo Ethiopia, guddigaan wuxuu hore uga koobnaa Kenya iyo Ethiopia, balse waxaa haatan lagu kordhiyey Soomaaliya guddi ay leedahay, Ā Guddiga Soomaaliya waxaa madax ka ah oo hogaaminaya taliyihii hore ee Laanta Nabad sugidda Dowladda Soomaaliya, lamana hubo oo ma Ā cadda in dowladda xilligaan ee madaxweyne Xasan sheekh Ā la socoto guddigaan ama ay iyadu soo magacowday.
WAXYAABAHA AY SI GAAR AHAANEED HESHIISKAAN KA HOR UGU HESHIIYEEN: KENYA IYO ETHIOPIAĀ IN AY ISKA KAASHADAAN EE AAN SOOMAALIYA SHAQADA KU LAHAYN.
Kenya building a power distribution station for Ethio-Kenya power supply
Kenya, Ethiopia agreement on regional security cooperation.
The Office of IFSPR is independent from IGAD’s Secretariat. The IGAD Facilitator is based in Addis Ababa, while the IGAD Secretariat is based in Djibouti. For further background information, on April 28, 2010, a Memorandum of Understanding on Somalia has been signed among AMISOM, UNPOS, and IGAD Facilitator. This tripartite MoU marginalizes IGAD Executive Secretary, Inj. Mahboub Maalim who is of a Somali-Kenyan origin from Somalia peace process.
IGAD Facilitator for Somalia Peace and Reconciliation (IFSPR) a statement and Memorandum of Understanding (MoU) on Grand Stabilization plan (GSP) for South and Central Somalia.
Filed under: Assessment Unit |
You must be logged in to post a comment.