Dowladda Turkiga oo badweynta India keeneysa ciidamo la-dagaalami doona Burcad badeeda.

turkey navyMaraakiib laga leyahay wadanka Turkiga ayaa lagu wadaa inay ku soo biiraan hawgalka la dagalanka kooxaha burcad badeda Soomaaliya ee Midowga Yurub, Howlgalkaasi oo lagu magacaabo Atlanta.

Sida lagu soo warramay waxaa Kanalka suways ka soo gudbay labo markab oo laga leeyahay wadanka Turkiga, waxayna ku soo jeedaan Maraakiibtaasi xeebaha wadanka Soomaaliya kuwasi oo qeyb ka noqon doona hawgalka la dagalanka koxaha burcad badeda Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan hay’adda badmarenada ayaa sheegay in Kanalka Suways ay labada markab oo lagu kala magacaabo Jazantib iyo Habljada ay ka soo gudbeen Kanalka Suweys si ay ugu soo biiraan hawgalka la dgalanka kooxha burcad badeda Soomaalida.

Sida la rumaysan yahay Turkiga oo dal muslim ah kuna jirta Ururka NATO ayaa doorbiday inay ku soo biirto halwgalka lagula dagaalamaya kooxaha burcad badeeda Soomaaliya oo ay qaar ka mid ah ciidamada Gaanshanburta NATO ay ka wadaan xeebaha wadanka Soomaaliya muddo dhowr Sano ah.

SomaliSwiss Ankara

SomaliSwiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: