Al-Shabaab oo sheegtay in weerarada Maraykanka aysan wax saamayn ah ku yeelan doonin dhaqdhaqaaqooda.

sheekh cali dheereAfhayeenka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa firiin cod ah soo dhigay wabsid-yada ku hadla afka Shabaab ayaa waxa uu sheegay in mareykanka iyo dalalka taageera ay hada u so jeeysteen dagaalo xoogan oo ay la galaan Shabaab iyago kala dagaalamaya cirka dhulka iyo badda.

waxaana Cali Dheere uu tilmaamay inaysan Shabaab wax sameyn ah ku yeelan doonin dagaal kasta oo kaga yimaada dowladaha ka soo horjeeda jirtaanka Shabaab.

Cali Dheere waxa uu sheegay inay u diyaar garoobeen sidii ay ula dagaalami lahayeen Mareykanka iyo dalalka ku fikirka ah oo uu xusay inay si wada jir ah ula dagaalamayaan Shabaab.

Sidoo kale Afhayeeka Shabaab waxa uu sheegay in dagaalada Shabaab lagu soo qaadi jiray laga soo maleegi jiray dalalka Jabuuti iyo meelo kale oo aan ognahay, waxaana uu tilaamay in hada ay Mareykanka ay saldhigyo ay kala dagaalamayaan Al-Shabaab ay ka sameysteen magaalada Muqdisho, sirdoon u dhashay Mareykanka ay Muqdisho ku sugan yihiin.

Si kasta ha ahaatee waxaa muuqata in Ciidamada dowladda ay degaano muhiim ah lagala wareegay xarakada Al-Shabaab, kuwaasi oo ay uga dambeysay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe.

SomaliSwiss Jilib

SomaliSwiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: