Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo beeshiisu u sheegtay inuu si deg deg ah isaga casilo xilka loo magacaabay.

wabxo-ceelbuurBeesha Murusade oo ka mid ah beelaha waaweyn ee Hawiye, isla markaana uu ka soo jeedo Dr Maxamed Nuur Gacal Duqow oo Khamiistii loo magacaabay inuu noqdo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya ayay beeshu u diiday inuu qabto jagada loo magacaabay iyagoo Dr Gacal u sheegay inuu sida ugu dhaqsaha badan xilkaas isaga casilo.

Wada tashiyo iyo Shirar kala duwanaa oo jaaliyadaha beesha uga socday gudaha dalka iyo dibadda 48-kii saac ee lasoo dhaafay ayaa ugu dambeyntii ku soo dhamaaday go’aan ahaa in beesha Murusade ay go’aansatay in aysan diyaar u ahayn in ay qabato xilka loo magacaabay Wiilkooda.

Qoraal saxaafadeed dheer oo ay soo saartay beeshu ayaa lagu sheegay in macnaha diidmada xilka Wasiiru dowlaha beesha loo magacaabay aysan la xiriirin in beeshu saluugsan tahay xilkaas, iyagoo xusay in aysan xittaa ku qanacsanayn mid ka mid ah xilalka Khamiistii lamagacaabay oo dhan.

Nuqul ka mid ah Qoraal ay beeshu soo saartay oo soo gaaray SomaliSwiss ayaa lagu sheegay in beesha Murusade soo dhaweysay isla markaana ay taageersan tahay dowladda Soomaaliya u dhalatay ee ay garwadeenka ka yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh, Gudoomiye Jawaari iyo R/Wasaare Saacid ayna la shaqeyn doonaan intii karaamkooda ah, balse aysan ku qanac sanayn in ay  qaataan  jago aan u qalmin oo ay xukuumadda uga mid noqdaan qaab magac u yaal ah.

Qoraalka beesha ayaa lagu xusay in aysan mucaarad sanayn kana soo horjeedin dowladda oo ay taageersan yihiin, inkastoo aan cadkoodii laga siin, hadana ay ay door bidayaan in ay la mid noqdaan beelaha kale ee Soomaaliyeed ee aan dowladda ka helin xilal Wasiirnimo.

Warsaxaafadeedka ayay ku sheegeen in Beeshu si buuxda u taageersan tahay, isla markaana la shaqeyneyso dowladda Soomaaliya intii awoodooda ah, iyagaoo xusay in iyagoo wax badan xeerinaya ay hore iskood isaga xaal mariyeen Wasiirkii ay lahaayeen ee madaxda xukuumaddu jecleystay.

Waxay xuseen in Beesha Murusade oo ah curadka beelaha Hawiye ay mar kastaba xeerineyso dhinaca wanaagsan, iyagoo sheegay in aysan ku cusubeyn in ay candhuuftooda gadaal u liqaan oo ka qadaan wax qeybinta dowladda oo aan laga siin xilal Wasiir, haddiiba ay sahleyso horumar iyo dowlad Soomaaliyeed oo lugaheeda ku istaagta, hase yeeshee aysan taasi  ka dhigneyn in beeshu qaadanayso cad aan u qalmin, waxayna hoosta ka xariiqeen in ay cad quureed ka door bidayaan in ay ka  qadsanaadaan.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: