Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Gaashandhiga oo maanta kormeer ku tegay degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo.

Wasiirka Gaashaandhigga.jpg4Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka gashandhiga xukuumadda Soomaliya Mudane C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa waxa uu maanta kormeer ku tegay magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo, waxayna bulshada gobolku u soo dhaweeeyeen si aad u wanaagsan sidoo kale waxay muujiyay sida ay u taageersan yihiin dowladda Soomaaliya.

Socdaalka Wasiirka waxaa ku wehliyey saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka, waxaana garoonka diyaaradaha magaadasi ay siweyn ugu soo dhaweyeen mas,uuliyiinta dowladda ee gobolka Gedo iyo maamulka degmada Garbahaareey waxaana ay kulamo laqaadan doonaan maamulka gobolka ilaa heer degmo iyadoo ay dhinaca kale arki doonaan bulshada Gobolka inta eysan kasoo ambabixin

Ujeedada Safarka Wasiirka gaashandhiga Soomaaliya ee u tegey magaalada Garbahaareey ayaa waxay la xiriirtaa sidii loo dhiiri gelin lahaa, islamarkaasna loo dardar gelinlahaa howlaha ciidamada qalabka sida iyo balaarinta Maamulka dowladda ee dalka waxaana wariyaheena Maxamed C/Qaadir Daahir oo kusugan magaaladasi uu kusoo waramayaa in bulshada gobolku ay si aad ah usoo dhaweeeyeen wafdiga iyagoo muujiyay sida ay utaageersanyihiin dowladda Soomaaliya iyo howlaha ay dalka kawado si salka loogu dhigo qarannimada Soomaaliya.

SomaliSwiss      Garbaharey

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: