Advertisements

Dowladda Kenya oo diyaarisay qorshe ay dib ugu soo celineyso dadka Soomaaliyeed ee dalkooda ku sugan.

SXERADA-IFOida ay sheegtay Dowladda Kenya waxay gebi ahaanba joojisay diiwan gelinta Qaxootiga cusub ee dalkeeda tagaya, ayadoo dhanka kalena ay Kenya ku dhawaaqday qorshe dib loogu soo celinayo dalkooda Qaxootiga Soomaaliyeed ee Dalkaasi ku nool.

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in ay qaadeyso talaabooyin ay ku mamnuuceyso diiwaangelinta qaxootiga cusub ee Soomaalida ah, iyadoo arintaasina ku wargelisay hey’adaha qaabilsan dhinaca qaxootiga.

Sidoo kale dowalada Kenya ayaa waxay soo bandhigtay qorshe kale oo ay dib dalkooda ugu celineyso qaxootiga faraha badan ee Soomaalida ah ee ku jira Xereeyinka Dhadhaab iyo Kakuma, iyadoo dowada Kenya ay hore ugu dhawaaqday in qaxootiga Soomaalida ah ee ku sugan Nairobi ay dib ugu celindoonto xeryooyinka Qaxootiga.

Si kasta ha ahaatee hadalka ka soo yeeray dowlada Kenya ayaa imaanaya xilli ay qaraxyo ku soo bateen magaalada Nairobi, taas oo ciidamada amaanka ee Kenya ay u qabqabteen Soomaali farabadan oo ku sugan xaafada Islii, iyadoo qaar ka mid ah ganacsatada Isliina goor sii horeysay hantidoodii la boobay

SomaliSwiss      Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: