Ciidamada XD Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo Shalay la wareegay Degmada Ufuroow ee Gobolka Bay.

 Ciidamada-dowladda.jpg2Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Bay oo gacan ka helaya kuwa Itoobiya ayaa Saaka gacanta u soo gashay degmada Ufuroow, iyagoo si nabadgalyo ah kula wareegay, taasoo noqonaysa degmadii afaraad oo ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay kaga sugan yihiin gobolkaas.

Mudane C/fitaax Ibraahim Maxamed (Geeseey) oo ah Guddoomiyaha gobolka Bay ee dowladda Soomaaliya ayaa  la hadlay saxaafadda wuxuuna sheegay inaysan jirin wax dagaal ah oo ka dhacay degmadaas, ayna ciidamada dolwadda iyo kuwa Itoobiya wadaan sidii ay ku sugi lahaayeen ammaanka degmada.

Al-shabaab ayaan weli ka hadlin qabsashada degmada Ufuroow, waxaase dad ku sugan degmadaas ay sheegeen in xaaladdu ay tahay mid deggen, ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiyana ay ku sugan yihiin gudaha iyo daafaha degmadaas.

Sida la wada ogsoon yahay Gobolka Bay ayaa wuxuu ka mid yahay gobollada ay ciidamada Itoobiya gacanta ka geysanayso sidii Al-shabaab looga saari lahaa, iyadoo ciidamada Itoobiya aysan ka mid ahayn kuwa AMISOM ee ka socda dalalka dariska ah iyo kuwo kale oo Afrika ka tirsan.

Si kasta ha ahaatee degmada Ufuroow ayaa waxay ka mid tahay degmooyinkii ay Al-shabaab dhowrkii sano ee ugu dambeeyay ka talinaysay, waxayna hadda ka mid noqotay degmooyin ka baxay gacanta Al-shabaab tan iyo markii uu sannadkan billowday.

SomaliSwiss      Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: