Wasiir ku xigeenkii Wasaarada Maaliyada iyo Qorsheynta xukuumada Soomaaliya oo is-casalay.

Abuukar Xasan CaliWaxaa maanta is casilay ku dhawaaqay Abuukar Xasan Cali oo shalay loo magacaabay inuu noqdo wasiir ku xigeenkii wasaarada maaliyada iyo qorsheenta xukuumada Soomaaliya.

Abuukar Xasan Cali oo horay uga mid ahaa xildhibaanadii kumeel gaarka ahaa ayaa ku dhawaaqay iscasilaadiisa xilli uu waresyi gaar ah siinayay shabakadaan Allbanaadir.com, waxa uuna masulkaani shaaciyay in ay ku timid istiqaaladiisa latashi badan oo uu lasameeyay wax garadka Beesha Gaaljecel ee ku sugan gudaha iyo dibadda dalka.

“Waan istiqalooday,mana ihi saacadaan laga bilaabo wasiir kuxigeen, mana u qaadayo Beesheyda wasiir Haaf ah, mana kagelayo beesheyda baal madoow,waxaana u aragnaa xilkaasi mid nalagu yasayo waxa noo qaadma madaxda dalku wey taqaanaa”, Abuukar Xasan Cali ayaa ku wararamay.

Waxa uu intaa sii raaciyay in uu aad ugu mahad celinayo cid kasta oo gacan kageysatay in xilkaasi loo magacaabo, hasa yeeshee waxa uu kucel celiyay in aysan meesha kujirin in uu sii ahaado mid kamid ah wasiirra kuxigeennada hal wasaarad.

Iscasilaada Abuukar Xasan Cali ayaa waxa ay imaaneysa xilli maalintii shalay aheyd lasoo dhamesturay xukuumada Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid) laguna oo biiriyay wasiirro ku xigeeno labaatan ah iyo waliba wasiiru dowlauyaal Shan ah, waxaana wasaarad waliba loo sameeyay laba wasiir kuxigeen.

Wasaaradaha qaar waxaa kahowl gelaya laba wasiir kuxigeen, wasiiru dowlo iyo wasiirka koowaad waxa ayna taasi muujineysaa in afar wasiir ay hal wasaarad ku magacaabanyihiin arintaas oo kadaa degi la’ Soomaalida oo horay loogu sheegay in wasiirada lasoo koobayo

Xildhibaan hore Abuukar Xasan Cali ayaa waxa uu noqonayaa wasiirkii ugu horeeyay ee xilkiisa isaga taga tan iyo xilligii Soomaaliya ay kabaxday Ku meel gaarka

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: