Qarax ka dhacay Waddada Maka Al-Murakama ee magaalada Muqdisho oo geystay Khasaare kala duwan.

Qarax-MuqdishoQof shacab ah ayaa ku dhintay 10- qof kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhashay gaari walaxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ka dhacay agagaarka isgoyska shaqaalaha ee waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray Saraakiisha booliiska iyo kuwa nabadsugidda dowladda Soomaaliya, waxaana labada qof shacabka ah uu midkood ahaa makaanik sameynayay gaari goobta qaraxu ka dhacay meel ku dhow yaallay halka midka kalena uu ahaa qof la socday baabuurta kuwa rakaabka qaada ah.

Jen. C/llaahi Xasan Bariise oo Afhayeenka booliiska Soomaaliya ayaa wariyeyaasha kula hadlay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay inay arkeen maydka hal qof oo rayid ah oo saarnaa gaari kuwa dadweynaha qaada ah ah iyo dhaawacyada toddoba qof ee kale.

Waxaa kaloo Warbaahinta la hadleen goobjoogayaal ku sugnaa goobta qaraxu uu ka dhacay waxayna sheegeen inay arkeen maydka laba qof oo shacab ah iyo dhaawaca fara badan, waxaana goobjoogayaasha qaarkood oo ku sungaa waddada ay sheegeen in gaariga qarxay uu goobta soo isgaartay wax-yar ka hor markii uu qarxay ayna filayaa inuu qof ku jiray gudaha gaariga, waxaana xilliga qaraxu uu dhacayay jidka marayay ciidammo ka tirsan AMISOM.

Sidoo kale Dhismayaasha ku dhow goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa burbur xooggan uu soo gaaray, inkastoo goobaha ganacsi ee halkaas ku yaalla ay maanta xirnaayeen maadaama ay ahayd maalin Jimco ah.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: