Maamulka Gobolka Banaadir oo bilaabay Dhismooyinka Beeraha Nasashada Darjiinooyinka Bulshada.

Gobolka-Banaadir.jpg1Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bilaabay dhismooyinka Beeraha Nashada ee loogu talagalay inay dadka ku nastaan Bulshada oo laga hirgelinayo goobo horey u ahaa boosteejooyin gawaarida laga raaco,balse hadda laga mamnuucay.

Goobaha dhismooyinkan uu ka bilaabay maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa ka mid ah agagaarka boosteejada Ceel-gaabta halkaasi oo dhowaan laga raray gawaari in mudo ah yaalay islamarkaana uu nadiifiyey maamulka gobolka Banaadir.

Mudane Maxamed Yuusuf Cismaan oo ah Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dhismayaasha Beeraha Nasashada ay hirgelineyso dowladda Hoose ee Xamar ayadoo aysan jirin cid ka gacan siineysa.

Si kasta ha ahaatee talaabadan ayaa qeyb ka ah qorshe uu maamulka gobolka Banaadir ku doonayo in dib loogu soo celiyo bilicdii Caasimadda Soomaaliya ay lahayd, waxaana meelo badan oo ka mid ah magaalada ay ka socdaan dib u dhisyo xoogan.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: