Advertisements

Maxaa ka jira in Muqdisho lagu burburiyey Guryo uu lahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llahi Yuusuf Axmed.

burburin_guryoCiidamada Booliiska Soomaaliya ayaa maanta Cagta mariyey Guryo la sheegay in ay ahaayeen sharci darro oo ka dhisnaa boosas ku yaallay Degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho oo warar hoose sheegayaan inuu lahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed.

Saraakiisha Booliiska ayaa sheegay in Guryahan ay dumiyeen ay ahaayeen kuwa lagu dhisay qaab sharci daro, inkastoo aysan xusin cidda sida rasmiga ah u dhisatay ama iska leh dhulkaas, inkastoo wararka qaarkood tibaaxayaan inuu lahaa allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llahi Yuusuf axmed.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Booliska Soomaliyeed ayaa sheegay in dhismayaasha ay burburiyeen ay ahaayeen kuwa ku dhisan qaab sharci darro ah, isla markaana ay hore marar badan u digeen  dadka dagan dhiusmayaashaas, isagoo xusay in aysan dadkaasi warkoodii dheg jalaq u siin oo ay ka madax adeegeen, sidaasina lagu bur buriyay.

Ma jiraan ilo Xog ogaal rasmiya oo SomaliSwiss u xaqiijiyey sugnaashaha wararka sheegaya in dhismayaasha la burburiyey iyo dhulka ay ka dhisnaayeen uu milkiyadooda iska lahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: