Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka difaaca ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo gaaray magaalada Jowhar ee Gobolka Sh/Dhexe.

Wasiirka Gaashaandhigga.jpg4Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka wasaaradda difaaca dalka Soomaaliya ayaa waxay maanta booqasho ku tageen magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Mudane C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya taliyaha ciidamada XDS, taliyaha howlgalka ciidamada AMISOM saraakiil ciidan iyo wariyeyaal.

Sidoo kale Wasiirka oo la hadlsyey Warbaahinta isagoo ku sugan magaalada Jowhar ayaa sheegay in shacabka reer Jowhar ay si wanaagsan u soo dhaweeyeen wafdigiisa, wuxuuna intaasi raaciyay in uu ku faraxsanyahay booqashada uu ku tagay Jowhar.

Dhanka kale Mudane C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi wuxuu sheegay in qorshaha Ciidamada uu yahay sidii ay ula wareegi lahaayeen dagmada Buula Barde iyo sidii ay iskugu furi lahaayeen dhamaan wadooyinka isku xira caasimada iyo gobolada dhexe ee dalka si shacabka ay ugu noolaadaan amaan.

Sida runta aha suurtagal ma noqon lahayn Kormeerka ay maanta ku tageen wasiirka difaaca dalka Soomaaliya iyo saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, haddii ay ciidamada dowladda gacanta ku dhigi lahayn magaalada Jowhar laba maalin ka hore.

SomaliSwiss    Jowhar

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: