Madaxda Sare ee Dowladda Soomaaliya oo Xalay la kulmeen ururrada bulshada rayidka ah ee dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Bulshada_rayidka.jpg2Madaxda Sare ee Dowladda Soomaaliya ayaa waxay  Xalay xarunta madaxtooyada Soomaaliya si wadajir ah ula kulmeen ururrada bulshada rayidka ah ee dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Madaxweynaha iyo Bulshada_rayidka.jpg3Xasan Sheekh Maxamuud oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in dowladdu aysan ogolaan doonin inay dib u soo isbaarooyinkii la qaaday, isagoo sidoo kalena sheegay inaysan u dulqaadanayn in ruux ku labisan dharka ciidamada uu dhibaatooyo shacabka.

Mudaxweyne Xasan Sheekh oo hadalkiisa sii wato wuxuu caddeeyey in ciidamadii joogay isbaarooyinka loo sameyn doono dhaqan-celin, si aysan dib ugu soo laaban, wuxuuna yiri: “Lixdan isbaaro ayaa magaalada Muqdisho taallay, Alle mahaddiisna dhamaantood maanta waa la qaaday – waana arrin lagu faano, inaysan dib u soo labanna waa mid mas’uuliyadeeddu ay na saaran tahay”.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu Ururrada Bulshada u sheegay in magaalada Muqdisho ka socda qorshe lagu dhisayo xarumo ciidan, taasoo looga dan leeyahay in magaalada dhexdeeda laga mamnuuco in askari qori wata lagu arko, wuxuuna intaas uu ku daray in askariga loo ogolaanayo oo keliya inuu kasoo baxo xerada marka uu fasax helo ama uu qoyskiisa soo booqanayo, isagoo aan wax hub ah wadan.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in wax laga xishoodo ay tahay in qof xiran dharka ciidamada uu dhibaatooyin u geysto dadka shacabka ah, isagoo ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed iyo xukuumaddu inay si wadajir ah uga hortagaan arrintaas.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda ay u qorsheysan tahay in dalka ay gaarsiiso horumar, isagoo sheegay in dowladda ay ka tiri doonaan magacyada xun-xun ee u baxay dadka iyo dalka Soomaaliya,sida xerada qoxootiga adduunka ugu weyn ee Soomaaliya, burcadbadeedda adduunka ugu khatarta badan Soomaaliya, argagaxisada adduunka Soomaaliya iyo weliba dowladda ugu musuqmaasuqa badan waa Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee Dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa waxay ku guuleysatay in laba toddobaad wax ka yar ay isbaarooyinkii ka qaaddo Muqdisho oo dhan, inkastoo kooxihii isbaarooyinka ay u yaalleen ay weli joogaan magaalada gudaheeda.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: