Advertisements

Ciidamada dowladda iyo Amisom oo si buuxda ula wareegay deegaanada Jowhar & Mahadaay ee gobolka Sh/Dhexe.

war degdeg ahCiidamada dowladda ayaa si buuxda ula wareegay degmada Jawhar iyo Mahadday ee gobolka Shabeellaha Dhexe., sidaas waxaa shaaca ka qaaday Abaanduulaha ciidaamada XDS Gen. C/kariin Yuusuf Aadan ‘’Dhegabadan’, wuxuuna Warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamada XDS iyo kuwa Amisom ay si buuxda ula wareegeen degmada Jowhar ee xarunta G/Sh/Dhexe, isagoo intaa ku daray in ciidamadu ay hadda baaritaano ka wadaan gudaha magaaladaasi.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Kummanaan dadweyne ah oo caleemo qoyan ruxayay Calanka Jamhuuriyaddana kor u taagaya waxayna ciidamada ku soo dhaweeyay magaalada Jowhar, waxeyna ciidamadu fariisimo ka sameysteen gudaha iyo duleeddada magaaladaasi.

jowhar

Sidoo kale qabsashada ciidamada ee magaalada Jowhar ayaa ka dhigeysa in shabaab uu farahooda ka baxay gobolkii ugu dambeeyay ee ay dalka ka joogeen, iyagoo hadda u muuqda in ay ku dhuumaaleysanayaan dhulka Miyiga ah, inkastoo aysan jirin cid gabbaad siineynsa oo ay hore abaal ugu galeen.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: