Advertisements

Xiisad kacsanaan ah oo ka jirta xaafadda Soomaalida Islii ee magaalada Nairobi.

police-KenyaXaafadda Islii magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa ayaa lagu soo warramayaa inay ka jirto xiisad aad u kacsan, iyadoo ciidamada amaanka dalka Kenya ay xaafadda Islii ka wadaan howlgalo dad badan lagu soo qabqabtay, halkaas oo xalay ka dhacay Qarax lala eegtay xildhibaan ka tirsan baarlamanka Kenya.

Sida uu noogu soo warramay Wariyaha SomaliSwiss magaalada Nairobi in Xaalada kacsanaanta ah ee ka taagan xaafadda Islii ay ka dambeysay, kadib markii xalay qarax lala eegtay xildhibaan ka tirsan baarlamanka Kenya kaas oo laga soo doortay dagmada Kaama kuuja oo ay ka tirsan tahay xaafadda Islii.

Xildhibaan-yuusuf-Xasan KenyaXildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi oo ah mudanaha laga soo doortay dagmada Kaama Kuuji ayaa ku sugnaa xilligii uu dhacayay Qaraxa wuxuuna khudbad u jeedinayay dad Soomaali ah kana dalbanayay in ay is diwaan galiyaan madaama ay soo dhawdahay doorashada dalkaasi.

Hase yeeshee waxay Ciidamada amaanka dowladda Kenya ay wadaan  baaritaanno la xiriiro qaraxii xalay dhacay waxaana hakad ku jira isu socodkii gaadiidka iyo goobihii ganacsiga ayaa ilaa saakay xirn.

SomaliSwiss     Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: