Xildhibaanada Baarlamanka oo maanta ansaxiyeen Xeer hoosaadkii lagu dhaqi lahaa barlamaanka Qaranka.

Barlamaanka Cusub.jpg2Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxay maanta kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho, waxayna kulunkooda ku ansaxiyeen xeer hoosaadkii lagu dhaqi lahaa baarlamanka Qaranka.

Kulanka oo ahaa kalfadhigii 31-aad ee mudaneyaasha baarlamanka ku yeeshaan xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta soo xaadiray 188 mudane waxaana kulanka shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya.

Fadhigii Baarlamanka ee maanta ayaa waxaa si weyn looga dooday qaar ka mid ah qodobada xeer hoosaadka kaas oo ay ka mid ahayeen labiska mudanaha ka tirsan baarlamanka iyo soo xaadirida waqtiyada ay dhacayaan kulamada.

Afhayeenka Baarlamanka Soomaaliya Prof Jawaari ayaa cod gacan taag ah ugu qaaday 11-ka qodob ee xeer hoosaadka baarlamanka kaas oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka doodayeen xildhibaanada waxaana xildhibaanadi ka qeyb galay kala fadhigii maanta ay cod aqlabiyad leh ay ku ansaxiyeen dhamaan heer hoosaadka.

Sida aad la socoteen Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka doodayay heer hoosaadka baarlamanka Soomaaliya ee afarta sano ee soo socoto waxaana maanta ay ku guuleysteen in ay ansaxiyaan Xeer hoosaadka Baarlamanka.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: