Wasirrka Arimada Dibada ee Soomaaliya oo bilowday howlo dib loogu habeynayo safaaradaha Soomaaliya ee caalamka.

W. arrimaga Dibadda.jpg1Wasiirada Arimaha dibada ee Soomaaliya Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa todobaadkii hore bilowday howlo dib loogu habeynayo laguna dar dar gelinayo wax qabadka Safaaradaha Soomaaliya ee ku yaal dalalka Caalamka.

Dhamaan safaaradaha Soomaaliya ee ku yaal dalalka caalamka ayaa loo gudbiyay qoraal ku saabsan in ay warbixin buuxda kasoo bixiyaan Howlaha ay qabtaan, ilaha ay lacagta ka helaan, lacagta ay helaan waxa ay ku qabtaan iyo waliba in ay soo gudbiyaan xisaab celin la xiriirta dhaqaalihii soo galay, waxaa kaloo safiirada, qunsulada, xoghayayaasha iyo dhamaan shaqaalaha safaaradaha loo soo jeediyay in ay mudo 48 saacadood ah kusoo gudbiyaan CV – gooda iyadoo xiligii loo qabtay uu ku ekaa maalinitii arbacada la soo dhaafay ee ay taariikhdu ahaya 28.11.2012.

Safiirada Soomaaliya qaar ka mid ah ayaanba qaban wax howl safaaradeed ah oo si shakhsiyan ah ugu shaqeysta magaca Safaarada, iyagoo qaar kalana ay ku xiran yihiin dowladaha ay dalkooda fadhiyaan halka kuwo kalana ay gacanta ugu jiraan rag ganacsato ah oo aanba aqoonsaneyn jiritaanka dowlada Soomaaliya, halka kuwo kalana ay ku mashquulsan yihiin iibinta fiisooyinka lagu soo qaado magaca dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirada Arimaha dibada ee Soomaaliya Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa noqonaya wasiirkii ugu horeeyay oo mudo 22 sano ah kadib dib oo billawday howlo dib loogu saxayo wax qabadka Safaaradaha Soomaaliya ee ku yaal dalalka Caalamka oo haatan wax qabadkoodu aad loo dhaliilsan yahay.

Safaaradaha Soomaaliya ee caalamka ayaa ah muraayada laga daawanayo dowladnimada Soomaaliya sidaa darteed waa in dadka loo magacaabayo ay noqdaan kuwo lagu soo xulay Aqoon, Karti iyo waayo aragnimo , halka ay badi safiirada maanta booska ku joogaan QABIIL iyo Habka loo yaqaan 4.5 kaas oo hoos u dhigay tayeynta iyo horumarinta howlaha muhiimka ee dowlada Soomaaliya.

Aqoon yahanada Soomaaliyeed ayaa howlgalkaan cusub ee ay bilowday Ra’ iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirada Arimaha dibada ee Soomaaliya Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo wax weyn ka badali doona siyaasada arimaha dibada ee Soomaaliya waxaeyna u soo jeediyeen Marwo Fowsiyo in ay isbadal balaaran ay ku sameyso dhamaan safaaradaha Soomaaliya ee ku yaal dalalka caalamka.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: