Wafdi balaaran oo ka socday dowladda Jabuuti oo uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda difaaca dalkaasi ayaa gaaray magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Wafdiga ka socda dowladda aynu walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti ee uu hoggaaminayey wasiirka wasaaradda gaashandhiga Jabuuti C/kariim Maxamed Kaamil, waxaana la socday taliyaha hay’adda nabad sugida dalka Jabuuti Xasan Saciid, Abaanduulaha ciidamada Sakariye Sheekh Ibraahin iyo mas’uuliyiin kale.
Sidoo kale Mas’uuliyiinta ka socotay dowladda Jabuuti ayaa waxaa garoonka  magaalada B/weyne ku soo dhaweeyay maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa ka socda dalka Jabuuti ee ku howlgala magaca AMISOM.
Dhanka kale waxaa lagu soo warramay in wafdiga ka socday jamhuuriyadda Jabuuti la geeyey xarunta ay dagan yihiin ciidamada ka socda walaalaha Jabuuti ee fariisinka ku leh deegaanka Ceel Jaale ee duleedka magaalada B/weyne.
SomaliSwiss   Baladweyne
Filed under: Baladweyne |
You must be logged in to post a comment.