FAROOLE: Masaajid Dambe lagama dhisi karo Puntland fasax la’aan, sababtoo ah waa la-siyaasadeeyay..

Faroole-puntlandMadaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaaliya C/raxmaan Faroole ayaa ka digay in deegaanada Puntland laga dhiso Masaajid dambe oo aan ogolaansho ama fasax ka haysan dowladda Puntland, isagoo taas daliil uga dhigay in dhisitaanka Masaajidyada lasiyaasadeeyay.DHEGEYSO KHUDBADIISA.

Faroole ayaa sheegay in meelo badan oo tuulooyin ah oo uu booqday uu ku arkay Masaajidyo waaweyn oo ka dhisan oo aan cidna ku tukaneyn ama ka baaxad weyn tirada dadka ku nool deegaanadaas, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Masaajidyada loo adeegsanayo Gabaadyo Argagixiso, isagoo ka dhawaajiyey inuu ka shakisan yahay in ay badankood ay maamulaan kooxo Argagixiso ah.

“Magaalo yar oo …layiraa waxaa ka dhisan Masaajid weyn” ayuu Yiri Faroole oo sheegay inaysan ogalaan doonin magaalooyinka yaryar in laga dhiso Masaajid, isagoo xusay in hadda wixii ka dambeeya dhisitaanka Masjidyada ay ka talo bixi doonaan culumo aqoon u leh oo dersaya haddiiba loo baahan yahay iyo meeesha laga dhisayaba, culimadaas oo uu xusay in ay magacaabi doonto wasaaradda cadaaladda Puntland.

HALKAAN KA DHEGAYSO HADALKA FAROOLE OO DHAN.

 SomaliSwiss Boosaaso

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: