Ciidamada dawladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Ex. Kontorol Afgooye ayaa maanta qaaday Isbaaradii gaadiidka lacagaha looga qaadi jiray ee halkaasi ku taalay.
Isbaaro qaadistaas kaddib ayaa waxaa saxaafadda halkaa kula hadlay Taliyaha Ex. Kontorool Afgooye Gaashaanle Nuur Xasan Nuur Jareer oo Saxaafadda uga war bixiyay qaabkii ay u qaadeen Isbaaradaas.
Taliyaha ayaa sheegay in iyadoo la fulinayo amarkii Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya ee ahaa inaan isbaaro la ogoleen ayuu Ciidanka Aaggaasi halkaasi ka qaaday Isbaaradii Lacagaha looga qaadayay gaadiidka isaga goosha Gobolada Koofureed iyo Muqdisha.
Nuur Jareer ayaa hoosta ka xarriiqay in maanta wixii ka danbeeya aan la aqbali karin in Ex. Kontorool Afgooye lagu qaado Lacago sharci darra ah isagoona farta ku fiiqay in Askeri gii lagu arko isagoo Gacanta u fidsanaya Gaadiidka B.L.ka ah iyo Gaadiidka kale ee Wadadaas ku socdaala in tallaabo sharci ah laga qaadayo.
Waxaa isaguna halkaa ka hadlay afhayeenka Ciidamada Ex. Kontorool Afgooye oo sheegay in ciidamadoodu Isbaarada markii la qaaday kaddib in ay qaadeen Ol Ole ay ku nadiifinayaan wadada afgooye.
Afhayeenka ayaa sheegay in hawl galkaas ay ku soo qab qabteen tiro dad ah oo uu sheegay in ay ku lebisnaayeen direyska ciidamada kuwaas oo wadada u galayay gaadiidka halkaa maraya.
Dhallinyaradan ay soo qabteen ayuuna sheegay Afhayeenku in ay u gudbin doonaan xabsiga si loo maxkmadeeyo.
Si kasta ha ahaatee gaadiidka wadadaas isaga goosha ayaa maanta si madax banaan halkaa ku marayay, iyadoo aysan jirin wax lacago ah oo laga qaadayay.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Related articles
- Panasonic Sa-ht543ee Theater Sound System Service Manual (manuals.typepad.com)
- Jolly phonics sounds and actions (slideshare.net)
- UK’s first 4G service launches (bbc.co.uk)
- Your Chance to Shape Java EE 7 (java.dzone.com)
- â””(á´–_á´–â””) iT’s mY BiRthDayY i’LL gEt hiGh iF i WaNnA (┘ᴖ_á´–)┘ (drunkarcher.wordpress.com)
- Nokia Lumia 920 With 4G Available On EE UK From November 9th (technutty.co.uk)
- EE Admits That Its £36-a-Month 4G Contract Isn’t Even Good Enough For Simply Using Maps (gizmodo.co.uk)
- Weekly Photo Challenge: Reflection (tinman18.wordpress.com)
- Only Some of Abbey (dailychuckle.typepad.com)
- AU and Somali troops secure town (bbc.co.uk)
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.