Wasiirka Gaashaandhigga”Dowladaha Jabuuti iyo Ethiopia waxey naga taageerayaan dhismaha ciidamada”.

W. GaashaandhiggaWasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ka warbixiyay kulammo uu la soo qaatay wasiirrada Gaashaandhigga Dalalka Jabuuti iyo Ehtiopia, wuxuuna  sheegay in labadaasi dowladood ay Soomaaliya ka taageeri doonaan dib u dhiska Ciidammada Qalabka Sida iyo la dagaalanka argigixisada.

Sidoo kale Mudane C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa ka mid ahaa  wafdigii uu hogaaminayay Madaxweynaha J. F.Soomaaliya ee booqashada rasmiga ah ku tegay waddamada Jabuuti iyo Ethiopia, wuxuuna faahfaahin ka bixiyay kulamo uu la soo qaatay wasiirrada Gaashaandhigga ee waddamadaasi, isagoo hoosta ka xariiqay in labadaasi dalba ay dowladda ka taageeri doonaan dhismaha ciidamada iyo la dagaallanka argagixisada.

Dhanka kale Wasiirka Gaashaandhigga wuxuu  carrabka ku adkeeyay in wasiirrada Labada dalka wadamada Jabuuti iyo Ethiopia uu kula heshiiyay in ay dowladda ka taageeraan dhismaha ciidamada iyo la dagaallanka argagixisada iyo iskaashi ku aadan horumarinta iyo tayeeynta ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee Mudane C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa dadaal ballaaran ugu jira dib u dhiska iyo tayeeynta ciidamada XDS si loo soo celiyo awoodii iyo sharaftii lagu yaqaanay ciidamada dalka Soomaaliya, balse waxaa haatan la siinayaa tababar xooggan si ay awood uga yeeshaan dib u soo celinta Karaamada iyo Sharafta dadka iyo dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: