Qaxooti Soomaali ah oo si xoog ah looga saaray magaalada Amsterdam ee dalka Holand.

Qaxooti_Soomaali ah 3Xerada ay cooshashka iyo teendhooyinka ka samaysteen qaxootiga codsiyadoodii magangelyo doonka ahaa ee la diiday, kana kooban Soomaali iyo Suudaan ayaa maanta si qasab ah oo garbo duub ku jirto looga saaray cooshadihii ay ka dhisteen xaafad ka mid ah magaalada Amsterdam oo la yiraahdo Osdorpplein, halkaasoo ay ciidamada Booliska ay xaaqeen cooshadihii ay seexan jireen. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Booliska Amsterdam oo fulinayay Amar kasoo baxay Maxkamadda sare ee dalkan ayaa dadkii Soomaalida iyo ajaaniibtii kale ee Suudaaniyiinta ka mid ahaayeen ay u kaxeeyeen xarunta Booliska Amsterdam si halkaasi loogu sii haayo si KMG ah, iyadoo ay jiraan tiro badan oo diiday iney booliska raacaan balse shabaqle lagu guray iyagoo gacmaha ka xerxeran.

Dad ku dhow 20o qof oo taageerayay dadkaasi Soomaaliyeed ayaa isku dayay iney hor istaagaan burburinta cooshadaha dadka maganyadadooda la diiday ay ka dhisteen Osdorpplein balse Booliska oo adeegsanayay Fardo iyo ulul ayaa dadkaasi qaarkood xerxeray, halka qaarka kale ay kala ceyriyeen.

Go’aanka burburinta ee Maxkamadda kasoo baxay ayaa la xariiray cabsi laga qabay in nadaafad xumo ay ka dilaacdo gooba ay ku noolaayeen qaxootigan maadaama aysan haysan musqulo iyo biyo taasina ay keentay in meesha ay noqoto mid nadaafadeeda liidato oo qashinka iska tubnaado.

Qoxootigaasi oo 45 ka mid ah ay Soomaali yihiin ma heystaan wax nolol ah xitaa raashin ay cunnaan, waxaana mudadii ay halkaasi ku noolaayeen xiliyada qaar dadka deriska la ah meesha ay degan yihiin ku saacidi jiray xoogaa cuno iyo cabitaano ah.

Lama oga go’aanka dowladda Holland ay ka qaadan doonto dadkaasi laga ceyriyay meesha ay deganaayeen, iyadoo si KMG ah uu la wareegay Booliska ilaa inta arintooda meel laga saarayo.

Source: Warfaafiye

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: