Advertisements

Saraakiil sare oo katirsan kooxda ONLF oo lagu soo dhoweeyay magaalada Kismaayo.

maleeshiyada-ONLF-kismayoSaraakiil katirsan kooxda ONLF ayaa dhowaan waxaa ay gaareen gobolada Jubbooyinka, iyagoo si heersare ah loogu soo dhoweeway magaalada Kismaayo. XOG HOOSE

Saraakiishan ayaa lasheegay tagitaankooda magaalada Kismaayo in ay sabab u tahay in ay booqdaan saldhigyo halkaasi ay ku leeyihiin ciidamada ONLF.

Saraakiishan ayaa lsheegay in ay kulamo kula qaadeen maleeshiyaadka Raaskambooni iyo kuwa ONLF ee ku sugan xarooyin ay kooxdooda ku leeyihiin magaalada Kismaayo.

Xog hoose ayaa inoo xaqiijisay in uu jiro khilaaf siyaasadeen oo u dhaxeeya dowladaha Kenya iyo Ethiopia, taasina ay sabab u tahay galitaanka Jubbooyinka ee ciidamada Kenya iyo maleeshiyaadka labaxay Raaskambooni ee taabacsan ururka ONLF.

Dhinaca kale safarka madaxweynaha Soomaaliya ayaa lasheegay in uu yimid, kadib saraakiil Ethiopian ah markii ay dhowaan ugu tageen Madaxweyne Xasan Sheikh Villa Soomaaliya, kuwaasi oo dacwad ka waday dowladooda, una sheegay madaxweynaha iyo dowladdiisa in ay raali ka yihiin in kooxda ONLF saldhigyo looga sameeyo gobolada Jubbooyinka, gaar ahaan magaala xeebeedka Kismaayo.

SomaliSwiss Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: