Madaxweyne Xasan Sheikh oo maanta dib ugu laabtay dalka.

Madaxweyne Xasan  Dib MuqdishoMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayay ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib booqasho uu ku tagay wadamada deriska ah.

Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo duhurnimadii maanta dib ugu soo laabtay Dalka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari,Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirrada.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehliyey oo wafdiga ka mid ah Ra’isulwasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wafdi uu hogaaminayo waxey socdaal shaqo ku tageen dalalka Jabuuti iyo Ethiopia halkaasi oo Madaxweynaha uu kulammo kulasoo qaatay madaxda dalalkaasi.

SomaliSwisws     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: