Advertisements

Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia oo isku raacay in lala dagaalamo kooxaha ONLF iyo Al-Shabaab.

From-Jabuti-to-Itoobiya-58Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo dhowaan booqasho rasmi ah ku tagay wadanka Ethiopia ayaa waxaa uu kulan xasaasi ah la qaatay Ra’isal Wasaaraha wadankaasi Hailemariam Desalegn. SIR CULUS

Madaxda Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa ka wada hadlay xaaladaha amaanka labada dal iyo sidii ay meel uga soo wada jeesan lahaayeen kooxaha khatarta ku ah labada wadan.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan raali ka noqon doonin kooxaha mucaaradka Ethiopia sida ONLF iyo OLF in ay saldhigyo ka sameystaan gudaha Soomaaliya, kadibna ay halkaasi uga soo duulaan dalka Ethiopia.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu intaasi raaciyay in dhacdooyinkii hore ay sameeyeen shakhsiyaad aan matalin wadanka Soomaaliya, isla markaana hada wixii ka dambeeya dowladda iyo shacabka Soomaaliya ay diyaar u yihiin in ay nabad kula noolaadaan wadamada dariska ah.

Madaxweyne Xasan Sheikh waxaa kaloo uu sheegay in dowladiisu aysan raali ka noqon doonin in maamulka Jubooyinka uu gacanta u galo kooxda ONLF, kadibna goboladaas looga soo duulo wadanka Ethiopia.

Ra’isal Wasaare Hailemariam Desalegn iyo mas’uuliyiinta dowladiisa ayaa si weyn ugu farxay una soo dhaweeyay hadalka kasoo yeeray madaxweynaha Soomaaliya, waxaa uuna sheegay in dowladda Ethiopia ay hada kadib kala shaqeyn doono dowladda Soomaaliya sidii loo soo afjari lahaa colaadii ka dhexeysay labada dal, isuna badali doonto nabad kuwada noolaansho waarta.

Saraakiisha ciidamada Ethiopia oo goob joog ka ahaa shirkaasi ayaa kulanka ka dib u sheegay saraakiisha dowladda Soomaaliya in dowladda Ethiopia aysan raali ka noqon doonin in magaalada Kismaayo ay gacanta u gasho qabaa’isha taageerta jabhadda ONLF, waxayna balan qaadeen in awoodooda IGAD iyo AU ay u adeegsan doonaan sidii ay uga hortagi lahaayeen damaca Kenya ay doonayso in ay gacanta ugu galiso dekadda Kismaayo ururka “ONLF” waa sida ay hadalka u dhigeene.

Saraakiisha Ethiopia ayaa dhankooda u balan qaaday dowladda Soomaaliya in ay kala shaqeyn doonaan jiritaanka midnimada Soomaaliyada hada oo ay ku jirto Somaliland, waxaa ayna intaa ku dareen saraakiisha Ethiopia in ay isha ku hayaan qaab-dhaqanka Puntland ee ku wajahan arimaha Jubooyinka.

Waxaa kaloo ay dowladda Ethiopia balan qaaday in ay dowladda Soomaaliya ka caawin doonto qaabka dhismaha maamulada Federalka ah, maadaama ay Ethiopia dalkeeda horay uga hirgalisay qaab dhismeedka Federalka ah.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: