Golaha Wasiirrada oo maanta Shirkooda ka soo saaray go’aamo wax ku ool ah.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kulankooda ka soo saaray go’aamo wax ku ool ah oo la xiriira  ammaanka iyo dhaqaalaha wadanka.

Kulankan oo ah shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirrada ayaa waxaa shir gudoominayey Ra’isulwasaaraha Dalka Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), waxaana golaha Wasiirradu ay si aad ah uga hadleen arrimaha ammaanka gaar ahaanna howlgalladii ugu dambeeyey ee todobaadkan laga fuliyey Muqdisho kuwaasi oo lagu qaaday isbaarooyin si sharci darro ah gaadiidka lacago looga qaadayey.

Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi oo ah Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya oo markii kulankaasi uu soo gebageboobay la hadlay saxaafadda ayaa tilmaamay in muhiimadda kulanka maanta ee Golaha Wasiirrada ay aheyd ammaanka sidaasi darteedna kulanka lagu go’aamiyey in Ciidammo gaar ah loo sameeyey Muqdisho kuwaasi oo iyagu si aad ah u hubeysan islamarkaana qalabkooda uu u dhanyahay.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ayaa wuxuu wax lagu farxo ku tilmaamay in magaalada Muqdisho laga qaaday isbaarooyin gaaraya ku dhowaad 60 isbaaro kuwaasi oo gaadiidka si sharci darro ah lacago looga qaadayey talaaabadaasina ay qeyb ka tahay sugidda amniga.

Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi ayaa wuxuu faah faahin ka bixiyey Ciidammadan gaarka ah ee loo sameeyey sugidda amniga Caasimadda waxaana uu tilmaamay in Ciidammadaasi ay xaafadiiba ka howlgali doonaan 100 askari ayadoo ciidammadaasina ay yihiin kuwo aanan ka tirsaneyn Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo ay yihiin kuwo gaar u ah amniga Muqdisho.

Warku wuxuu intaa ku daray in shirka Golaha Wasiirrada ee maanta ayaa waxaa looga hadlay hagaajinta ilaha dhaqaalaha Dalka ayadoo qodobkaasina si gaar ah looga eegay qaabka ay u shaqeyso dekedda Muqdisho oo ah isha ugu weyn ee uu dhaqaalaha kasoo galo Dowladda taasi oo ay Golaha Wasiirradu isku afgarteen in lahagaajiyo si loola jaanqaado isbedelka.

Si kasta ha ahaaree go’aannada kasoo baxay shirka Golaha Wasiirrada ee maanta ayaa ah kuwo dhammaantood muhiim ah adkeynta amniga Caasimadda Dalka ayadoo hadii qodobadaasi loo hirgeliyo sida kuwii hore uu amniga Caasimadda wax weyn iska bedeli doono.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: