Dalka Jabuuti oo Soomaaliya u ballan qaaday inuu ka taageerayo dib u dhiska ciidanka xooga dalka Soomaaliya.

Dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa Soomaaliya u ballan qaaday in ay ka taageereyso sidii dib loogu soo celin lahaa haykalkii ciidamada xoogga dalka  Soomaaliyaa, iyadoo Jabuuti ayaa arrintaas xooga saari doonaan intii awoodooda ah.

Wasiirka Gaashaandhiga xukuumdda Federaalka Soomaaliya ayaa ka warbxiyay kulan uu la qataay Wasiirka Gaashaandhigga dalka Jabuuti iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Jabuuti, wuxuuna sheegay in ay balanqaadeen in Jabuuti ay gacan ka geeysan doonto dib u dhiska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Sida uu sheegay Mudane C/xakiin Xaaji Fiqi in isaga iyo Wasiirka Gaashaandhigga ee dalka Jabuuti ay ka wadahadleen sidii ay Jabuuti gacan uga geysan laheyd dib u dhiska ciidamada XDS, wuxuuna booqday xarumo ciidan oo ku yaala magaalada jabuuti.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya. C/xakiin Fiqi oo ka hadlayey is-araggii ay is-arkeen dhiggiisa Jabuuti wuxuu yiri: ‘’Waxaan kala hadlay wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dib u dhiska ciidamada XDS, anigoo uga mahadceliyay howlgalka ay ciidamada Jabuuti ka wadaan dalka gaar ahaan gurmadkii ay u fidiyeen dadka reer Beledweyne markii Wabigu ku tatahay.’’

Sidoo kale Wasiirka oo hadalkiisa sii wata wuxuu intaa ku daray in uu booqday xero ay leeyihiin ciidamada Daraawiishta dalka Jabuuti, kuwaas oo uu sheegay in ay soo bandhigeen dhoolatus ciidan iyo xirfado casri ah oo lagula dagaalamo argagixisada, loogana hortago rabshadaha.

Shaki kuma jiro in Dadka Jabuuti iyo dadka Soomaaliya ay yihiin Ummad walaala ah, taasi  waxaa tusaale in Ciidama reer Jabuuti ee dalkeenna  jooga oo gaaraya ilaa Lix boqol oo askari kuwaas oo maanta u baahnayn in Luqad ahaan looga turjamo, waxayna si toos ah u guda galeen  howshii loo soo igmaday, waxayna ku sugan yihiin magaalada Beledweyn ee gobolka Hiiraan.

SomaliSwiss       Jabuuti

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: