Wasaaradda A. Gudaha iyo Amniga oo shaacisay qorshe loo dejiyey Amniga, dibna loogu eegayo M/Goboleedyada.

Wasiirka Wasaaradda arimha gudaha iyo amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay inuu  wado qorshayaal kor loogu qaadayo hey’adaha aminga isla markaana dib loogu eegayo maamulada gobolada dalka kajira laguna xoojinayo gargaarka dadka tabaaleysan.

Wasiirku oo wareysi siiyey Warbaahinta ayaa ka hadlay qoorsheyaasha dhinaca amiga u degsan dowladda waqtiga dhow iyo kan fogba ee soo socda.

Mudane C/kariin Xuseen oo arrintaas ka hadlayo wuxuu yiri : ‘’Waxan ahmiyadda koobaad siinaynaa xoojinta amniga iyo xasilinta dalka, maadaama ay tahay lagama maarmaan, iyadoo lagu dhinac wado dhismaha maamullada gobollada dalka iyo dib u dejinta dadka barakacayaasha ah.’’

Sidoo kale wasiirka  wuxuu  dabaalka ka qaaday in wasaaraddiisa ay xoogga saari doonto dib u habeysnta ciidamada Booliiska iyo nabadsugida si wax looga qabto ammaanka dalka, iyo shuruucda lagu dhisayo maamulada gobolada iyo degmooyinka iyadoo lagu jaangooynayo nidaamka Federaalka ah.

Dhinaca kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa waxay billaawday fulinta isbaddelkii ay dhawaan balan qaadday ee ku aadanaa dhinaca ammaanka, dhismaha maamulada gobolada iyo dib u dejinta barakacayaasha.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: