Soomaaliya: Gobolada koonfureed dad badan ayaa weli la ildaran xaalad cunto yari ah.

ICRCGuddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) ayaa waxay hadda gabagabeysey inay cunto iyo abuur u qaybiso in kabadan 170,000 qof oo ku nool gobollada Jubadda Hoose iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Dadka ku nool goboladan waxay weli  yihiin kuwa nugul iyadoo ay ugu wacan tahay xilli roobaad liita iyo colaada socota.

ICRC War Saxaafadeed No. 12/xx
27 Nofembar 2012

Soomaaliya: Gobolada koonfureed dad badan ayaa weli la ildaran xaalad cunto yari ah

Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) ayaa waxay hadda gabagabeysey inay cunto iyo abuur u qaybiso in kabadan 170,000 qof oo ku nool gobollada Jubadda Hoose iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Dadka ku nool goboladan waxay weli  yihiin kuwa nugul iyadoo ay ugu wacan tahay xilli roobaad liita iyo colaada socota.

ICRC-da iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed waxay abuur u qaybiyeen 15,000 qof oo beeralay ah, kuwaasoo markoodana awoodi doona inay quudiyaan 90,000 qof marka loo eego tirada isku celceliska ah ee qoyska oo ka kooban lix qofood. Intaas waxaa dheer, 84,000 dadka tabaalaysan ah oo ku nool goobahan ayaa waxay heleen raashiin ka kooban bariis, digir, saliid iyo cunto kale oo aasaasi  ah looguna talagay inay isticmaalaan muddo bil ah.

“Dadaal samafaleed oo joogta ah ayaa wuxuu hagaajiyay xaalada guud ee cuntada Soomaaliya sanadkan,” waxaa yiri Patrick Vial oo ah madaxa ergada ICRC-da ee Soomaaliya. “Laakiin, isku dhacyo hubysan oo socda iyo cimilo qalafsan ayaa waxay ka dhigan tahay in dad badan oo Soomaaliyeed ay weli la hardamayaan inay helaan raashiin ku filan. Dad badan ayaa waxaa lagu qasbayaa inay ka cararaan guryahooda iyo dhulkooda taasoo carqaladayneysa waxsoosaarka cuntada iyo howlaha dhaqaalaha.

ICRC-da waxay taageeraysaa dadaalada bulshada si ay isu quudiyaan ayna u kasbadaan daqli marka lagu darro qaybinta agabyada deg deg ah. Laga soo bilaabo Oktoobar ilaa iyo Disember sanadkan 2012-ka, tusaale ahaan, dadka ku dhaqan xeebaha goboladda Banadir, Shabeelaha Hoose and Jubbada Hoose waxay ka qayb qaadanayaan barnaamij kaluumeysiga ah kaasoo awood u siinaya inay soo saaraan cunto isla markaana noqdaan kuwo isku filan.

Maxamed sheekh Cali oo ah isku dubaridaha mashaariicda sugnaanta dhaqaale ee ICRC-da ee dalka, ayaa sharaxaya. “Ujeedada raashiin qeybinteena deg degga ah waxay tahay inaan ku caawino dadka inay is bixiyaan inta laga gaarayo beer goosasha xigga ee Janaayo halka abuur qaybinta ay sida la filayo hagaajinayso awooda bulshada ay isku quudinayso muddo fog.

ICRC-da waxay Soomaaliya ka shaqaynaysay ilaa iyo 1977dii. Iyadoo si dhow ula shaqaynaysa Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed, waxay bixisaa taageero deg deg ah iyo mid fogba iyadoo ujeedaduna ay tahay in la xoojiyo isku filnaashaha bulshada. Intaas waxaa dheer, waxay horumarisaa ku dhaqanka xeerka caalamiga ah ee aadananimada ayna kormeertaa macaamilka lahaystayaashu ay helaan iyo xaaladaha lagu hayo.

For further information, please contact:
Fatuma Abdullahi, ICRC Nairobi, tel: +254 731008754
or visit our website: www.icrc.org
To preview and download the latest ICRC video footage in broadcast quality, go to
www.icrcvideonewsroom.org
To find out what the ICRC is doing to put an end to attacks on health workers and patients, go to
icrc.org/eng/life-death

%d bloggers like this: