Madaxweynaha Soomaaliya oo si heersare ah loogu soo dhaweeyey Caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo ee uu ka mid yahay Wasiirka Gaashaandhigga oo saaka ka soo ambabaxay magaaladda Jabuuti ayaa gaaray Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis-Ababa.

Ra’isal Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, Wasiiro, Madaxda Dowlad goboleedyadda Itoobiya iyo masuuliyiin kale ayaa madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdigiisa si weyn ugu soo dhaweyey garoonka diyaaradaha ee Adis-Ababa.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa loo galbiyey xarunta Madaxtooyadda Itoobiya isagoona kulamo kala gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Itoobiya oo uu kala hadlay xiriirka labada dalka.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isal Wasaaraha Itoobiya ayaa shir jaraa’id si wada-jir ah ugu qabtay xarunta Madaxtooyadda Itoobiya iyadoona saxaafaddu weydiisay su’aalo ku aadan xaaladda Soomaaliya iyo Xiriirka labada dal.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: