Madaxweynaha Soomaaliya oo ka warbixiyey ujeedada Booqashadiisa dalka Jabuuti iyo wixii uu kala soo kulmay.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyay Warbahinta, isagoo jooga magaalada Jabuuti, wuxuuna  faahfaahin ka bixiyey ujeedada Booqashada dalka Jabuuti, iyo sida loogu soo dhaweyey isaga iyo wafdiga uu hogaaminayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia mudane Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay in booqashada uu ku jooga wadamada Jabuuti si aad ah uga faa’ideystay wuxuuna indhihiisa ku soo arkay waxyaabadan oo horumar ah, kaas oo loo baahan yahay in lagu daydo.

Iyadoo Booqashada Madaxweynuhu ay tahay mid koobaan ayaa waxaa la filayaa inuu safar uu ku marayo wadamada kale ee Soomaaliya deriska la ah, warku wuxuu intaa ku darayaa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu xalay la kulmay ganacsato Soomaaliyeed, isagoo kala hadlay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dib u dhiska dalka iyo horumarintiisaba.

Ganacsade Maxamed Yuusuf oo ka mid ah ganacsatadi uu xalay Madaxweynuhu la kulmay ayaa Warbaahinta ku yiri:  ‘’Madaxweynuhu wuxuu nagu dhiirigeliyay in an ka qeybqaadano dib u dhiska dalka, isagoo noo sheegay in aysan jirin cid nooga mudan in an maalgashaano dalkeena, haddana boorsooyinkeena wey xirxiranyihiin waxaan usoconaa Muqdisho’.’

Sidoo kale ganacsade Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in madaxweynuhu u muujiyay sida uu u daneynaayo in ganacsatada Soomaaliyeed ay dalkooda maalgashadan, wuxuuna intaa ku daray in ka ganacsata ahaan ay qaateen talada madaxweynaha oo ay dalka ku laabanayaan si ay uga qeybqaataan dib u dhiska iyo horumarinta dalka.

SomaliSwiss       Jabuuti

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: