Advertisements

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo maanta la kulantay dhigeeda wadanka Kenya.

War goor dhoweyd naga soo gaaray magaalada Nairobi ayaa sheegaya in R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo shalay booqasho rasmi ah ku tagtay dalka Kenya ayaa kula kulantay maanta  magaalada Nairobi Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalka Kenya.

Wasiirka arrimaha dibadda Somalia Marwo Fowziya Yusuf Xaaji Aadan oo shalay gaartay magaalada Nairobi, kadib markii ay martiqaad rasmi ah ka heshay Madaxda dalkaasi ayaa lagu wadaa in isla  maanta ay kulanto Madaxweynaha dalkaasi.

Sida uu sheegayo warku waxaa Labada mas’uul ay ka wadahadlaan xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa iskaashigooda iyo arrimo kale oo muhiim ah, iyadoo dowlada Kenya ay ka mid tahay wadamada ciidamada ka joogaan gudaha dalkeena.

SomaliSwiss     Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: