Ogeysiis iyo Wargelin ku socota Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan Switzerland (Kulan lagu Taageerayo Xukuumada Soomaliya).

Howlwadeenada Haweenka Jaaliyada Soomaliyeed Kanton Geneve ee Dalka Switzerland waxay Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan Switzerland Ogeysiinayaan in la qaban doono kulan lagu Taageerayo Dowlada Federaalka Soomaliya oo Ka dhici magaalada Geneva ee Switzerlnd, Taariikhda markey tahay 30/11/2012 waa maalinta Jimcaha ee soo Socota.

Sidaas darteed waxaa loo sheegayaa inay ka soo qayb gali karaan kulan balaadhan oo lagu Soo dhaweenayo Golaha Wasiirada ee Xukuumada Soomaliya, waxaana  kulankaasi uu  bilaabanayaa 6,30pm galabnimo.

Sidoo kale waxaa martida sharafta leh ee ka soo qayb galeysa laga codsanayaa inay dhoowraan Waqtiga lagu ballamay.

Waxaa kaloo ka soo qayb galayaasha lagu wargelinayaa in kulankaasi lagu qaban doonaa Xaruntra Hay’adda Caafimaad Adduunka ee magaalada Geneve ee dalka Switzerland, World health Organizion (WHO). Cinwaanka waa: Avenue Appia 20, 1211 genève.

Haddaba wixii  war ah ee la xiriira Kulankaas waxaad kala soo Xiriiri kartaan Xaliimo Culusow  Tel 079 664 1564 Ama Dukaanka UBAX 022 731 19 57.

SomaliSwiss      Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: