Shirweynihii Xuquuqda Aadanaha Qaramada Midoobay oo Berri ka furmaya magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Waxaa Caasimadda 3aad ee Wadanka Switzerland ee Geneve, uu  maalinta berri ah ka furmi doono shirweynihii hay’adda qaramadda midoobay uga qaabilsan xuquuqul Insaanka oo ay ka soo qeyb geli doonaan dhamaan wadama adduunka.

Sida lagu soo warramay Shirkan ayaa socon doona muddo laba maalmood ah, waxaana la iskula soo qaadi doono xadgudubyaddii ugu dambeeyey ee ka dhacay Caalamka, gaar ahaan wadamada Afrika oo xaaladooda xuquuqul insaan tahay mid aad u cakiran.

Warkan ayaa waxaa lagu shaaciyey bogga ay leedahay hay’ada Qaramadda midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka ( Human Right Watch), ayaa lagu sheegay in xadgudubyadda iyo meel ka dhacyada ka baxsan bini’aadminimadda ee nidaamka Itoobiya ka arimiyaa ka geysanayaan gobolka Soomaalidu degto ee Ogadenia iyo wadanka dariska la ah ee Soomaaliya uu ka mid noqon doono qodobadda sida aadka ah loogu lafa-guri doono kulanka barito ah.

Sida lagu sheegay Bogga Internet-ka  ee Hay’adda Human Right Watch in dalka Itoobiyaa ay ka dhaceen sanadkii 2007-da, xasuuq loo geystay dadka dega dhulka Soomaali Galbeed ee maamulka Ethiopia.

Warbixin ay soo saartay Hay’adda Human Right Watch ayaa lagu  sheegtay in dhulkaas uu ka dhacay xasuuq ka daran midkii ka dhaca Daarfuur ee dalka Suudaan. Sidoo kale hay’adda ayaa caddeeysay in kadib markii Maleeshiyaadka Itoobiya qaadeen weeraro ka dhan ah bulshadda ra’yidka ah ay ka geysteen dhibaatooyin isugu jiray dil, kufs, gubista tuulooyinka ka durugsan magaalooyinka iyo xadhiga kumanaan shacab ah oo aan waxba galabsan.

Sidoo kale, dabayaaqadii 2006-dii Ciidamada Itoobiya ayaa gashay gudaha dalka Soomaaliya, iyaga oo ka geystay xasuuq iyo baa’ba aad u daran, waxaana aad ugu darnaa duqeymihii ay ka geysan jireen goobaha rayidku dagan yahay ee ku yaalay caasimadda Muqdisho.

Si kasta ha ahaatee Shirka barito ka furmaaya magaalada Geneve ayaa ahaan doono mid leh ahmiyad balaadhan marka laga fiiriyo wax ka qabashadda kuwa geysta xadgudubyadda ka dhanka ah bini’adminimadda iyo dabagalka wadamadda aan fulinin dhawrista iyo ilaalinta karaamadda bini’aadmigga.

SomaliSwiss      Geneve

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: