Madaxweyne-yaasha Soomaaliya iyo Djibouti oo ka wada hadlay xaalada Soomaaliya iyo Siyaasadda Geeska Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku joogo dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay Walaalkiis dalka Jabuuti, waxayna ka wadahadleen xaaladda dalka Soomaaliya.

Sidoo kale labada Madaxweyne waxay ka wadahadleen  xiriirka Labada dal iyo sidii loo soo noleyn lahaa heshiis ay Labada dal kala saxiixdeen sanadkii 1981 kaas oo ku saabsanaa iskaashiga dhinaca gaadiidka hawada, wuxuuna madaxweynuhu dowladda Jabuuti uga mahadceliyay howlgalada ay ciidamada Jabuuti ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu maanta kormeero Dekeda weyn ee Magaalada Jabuuti, isagoo dhagax dhigidoona dhismaha daljirka dahsoon, waxaana la filayaa in madaxweynuhu uu sii wato booqashada uu ku marayo wadamada gobolka oo dhan, isagoo maanta u sii ambabixidoona dalka Ethiopia.

SomaliSwiss     Jabuuti

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: