Ciidamada Ammaanka oo gacanta ku dhigay Hub iyo walxaha Qarxa oo lagu Aasay guri dhexdiisa.

Ma ahan markii uga horreysay oo ay Ciidamada ammaanka degmada Ceelasha iyo deegaanka Lafoole ee G/Sh/Hoose ay gacanta ku dhigay hub iyo walxaha qarxa, kuwaas oo ay kooxda Al-Shabaab ku Aaseen guri ku yaala deegaanka Ceelasha Biyaha.

C/salaan Cali Aadan oo ah Guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada Lafoole ayaa Warbaahinta  u sheegay in gelinkii dambe ee shalay ay ciidamada ammaanku gacanta ku soo dhigeen hub iyo walxaha qarxa oo maleeshiyaadka Al-Shabaab ku aaseen guri ku yaala deegaanka Ceelsha Biyaha.

Guddoomiyahe ku xigeenka degmada Lafoole oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri:      ‘’ Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay guriga ay shabaabku ku dhex aaseen Hubka, kadibna waxaan u yeernay ciidamada ammaanka iyo kuwa Amisom waxaana godkaasi laga helay hub aad u farabadan iyo walxaha qarxa oo casri ah’’.

Sida aad ula socotaan howlgallo ay ciidamada ammaanku ay shalay ka sameeyeen Muqdisho iyo duleeddadeeda ayaa lagu guuleystay in lagu soo qab-qabtay hubkii ugu tirada badnaa ee Shabaabku ku qarasadeen guryo ku yaala xaafado kala duwan oo ka mid ah Muqdisho iyo Shabeellada Hoose.

SomaliSwiss      Lafoole

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: