Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray caasimadda dalka Jabuuti, safarka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehliyay, Wasiirka Gaashaandhigga C/Xakiin Maxamuud Xaaji  Fiqi, Xildhibaan  Faarax Sheikh  Cabdulqaadir ahna Lataliyaha Madaxweynaha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Soomaaliya Kamaal Daahir Xasan. HOOS KA DAAWO SAWIRO BADAN

Madaxweynaha dalka  Jabuuti Ismaaciil Cumar  Geele,  Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Wasiiro iyo masuuliyiin kale oo Dowladda Jabuuti ka tirsan ayaa garoonka ku soo dhoweyey Madaxweyne Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh, Madaxweynuhu waxa uu salaan sharaf ka qaatay Ciidamadda Band Music (Baambeey) Jabuuti.

Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa loo soo gelbiyey Xarunta Madaxtooyadda dalka Jabuuti, wuxuuna halkaas kulan kula qaatay dhigiisa  Jabuuti Mudane  Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka kadib, shir jaraa’id oo ay wada qabteen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jabuuti. Waxa ay shirkooda jaraa’id ku sheegeen inay ka wada hadleen xaaladda labadda dalka, Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu warxibin  ka siiyey dhigiisa Jabuuti Ciidamadda Jabuuti ee qaybta ka ah kuwa Amisom ee jooga Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in booqshadu tahay tii ugu horeysay oo rasmi ah ee  uu ku tago meel ka baxsan Soomaaliya, wuxuuna Madaxweynahu safarkiisa ugu sii tallaabi doonaa dalka Itoobiya.

SomaliSwiss Jabuuti

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: