Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo Saakay u ambabaxay dalalka Jabuuti iyo Ethiopia.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa safarkii labaad maanta ugu ambabaxay dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya oo daris la ah Soomaaliya. Waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadekusii sagootiyey Guddoomiyaha Baarlamanka, Ra’isal wasaaraha, Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta, saraakiisha ciidammada Qalabka sida iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Qaranka, socdaalka madaxweynaha waxaa ku wehliya wasiirka Gaashaandhigga C/xakiin Maxamuud Xaaji “Fiqi” iyo saraakiil kale.

Waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadekusii sagootiyey Guddoomiyaha Baarlamanka, Ra’isal wasaaraha, Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta, saraakiisha ciidammada Qalabka sida iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Qaranka, socdaalka madaxweynaha waxaa ku wehliya wasiirka Gaashaandhigga C/xakiin Maxamuud Xaaji “Fiqi” iyo saraakiil kale.

Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa warbaahinta u sheegay in Madaxweynuhu uu gaari doono qaar ka mid ah dalalka deriska la ah Soomaaliya waxaana uga horreysay dalka aannu walaalaha nahay ee Jabuuti, isla markaana uu kula kumi doono madaxda sarre ee dalkaasi, si ay uga wada hadlaan horumarrinta Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

Sida la wada ogsoon yahay dalalka uu Madaxweynuhu safarka u aaday ayaa waxaa Soomaaliya ka joogo ciidammo qayb ka ah howgalka AMISOM iyo kuwo aan qayb ahayn, isagoo madaxda dalalka kala hadli doono arrimaha Soomaaliya.

Sida la sheegay safarka Madaxweynaha inuu qaadan doono muddo hal toddobaad ah ayaa wuxuu ku hormari doonaan dalka Jabuuti, isagoo halkaas kula kulmi doono madaxda dalkaas, sidoo kalena wuxuu booqan doonaa dalka Itoobiya, isagoo ugu dambeynna tegi doona dalka Kenya.

SomaliSwiss        Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: