Maxkamad ku taala Yemen oo dib u dhigtay dacwad la xiriirtay dhismaha qunsuliyada Soomaaliya

War naga soo gaaray magaalada Sanca ayaa sheegaya in Maxkamad ku taala dalka Yemen ay dib u dhigtay dacwad la xiriirta lahaanshiyaha dhismaha Qunsuliyada Soomaliya ee Yemen, iyadoo ay mas’uuliyiinta Safaardu faahfaahin ka bixiyeen sababaha keenay dacwadaasi.

Axmed Cabdi Xasan ‘’Axmed Sudani’’ oo ah Qunsulka safaarada ee dalka Yemen oo wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta ayaa ka warabixiyay dacwad ka dhan ah dhulka qunsiliyada Somaaliya ay ku leedahay magaalada Cadan.

Qunsulka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray iney weli socoto dawcwada ka dhanka ah xarunta Qunsuliyada Somalia ay ku leedahay magaladaasi, taas oo ay wadaan dad u dhashay dalkaasi oo ku andacoonaya in dhismaha Qunsuliyada markii hore laga siiyay lacago yar.

Mudane Axmed Sudani oo arrintaas ka fajacan wuxuu yiri: ‘’Maxkamada ayaa la iga yeeray markaan tegeyna waxa la igu wargeliyay inaan dhageysto go’aanka Maxkamadda, markaas ayaan ka cdsaday in dib la igu dhigo Maxkamada si aan ula soo tashado madaxda dowladda, waana la iga ogolaaday dib u dhigista, laakiin waxaa la ii qabtay ilaa Sideeda Disember’’.

SomaaliSwiss       Sanca

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: