Madaxweyne Xasan Sheikh oo maanta la kulmay wasiirro iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta  kulan kula qaatay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo saraakiil ka socotay ciidamada Qalabka sida.

Kulankan ayaa ahaa mid xasaasi ah, kaas oo  Madaxweynaha Jamahuuriyadda Soomaaliya isugu yeeray, waxaana diirradda lagu saaray guud ahaan xaaladda amni ee dalka iyo dar-dargalinta dhammaan howlgallada nabadda ee dalka, waxaana xaadir ku ahaa kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda, wasiirka Gaashaandhigga, wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, Taliyeyaasha ciidammada Qalabka sida, iyo sarakiishooda oo isugu jira Military, Boolis iyo nabad sugid.

Ugu horreyntii waxaa kulankaas  hadal ka jeediyay taliyaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ka hor sheegay in kulanka ay soo xaadireen dhammaan saraakiisha ciidammada oo howllo adag ka haya gobollada dalka qaarkood, diyaarna u ah in ay dalka iyo dadka ay ka ilaaliyaan cadowga.

Sidoo kale waxaa isna ka hadlay kulankaas Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji “Fiqi” oo hadalkiisa ku xusay in kulanka uu muhiim u yahay xaqiijinta ammaanka guud ee dalka, isla markaasna Xukuumaddu ay dooneyso in arrintaasi la hirgaliyo.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya Mudane C/xaqkiin Xuseen Guuleed ayaa daboolka ka roggay in kulanka lagu dhiiragalinayo xaaladda amni ee dalka uu ku adan waqti muhiim ah, isagoo xusay in hay’ada amniga u xil saaran in ay billaabeen qorshe cusub oo sugidda amniga la xiriirra.

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid ayaa tilmaam ka bixiyay ahmiyadda ay ciidammada qalabka sida dalka u leeyihiin, wuxuuna uga mahad celiyey dadaalkooda.

Kadib markuu uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu dhegaystay warbixinnadii halkaas laga soo jeediyey ayaa wuxuu hambalyo u diray dhammaan ciidamamda qalabka sida, isagoo uga tacsiyeeyey dhammaan saraakiisha iyo ciidammada uga geeriyooday iyo kuwii ku waxyeelloobay difaaca dalka iyo Diinta.

Hase yeeshee Madaxweynuhu wuxuu farta ku fiiqay in ciidammada qalabka sida ay ka maqan yihiin inta badan xaquuqihii ay lahaayeen. Laakin loo baahan yahay in ay qaataan masuuliyadda ka saaran dalyeelk iyo ilaalinta amniga shacbiga Soomaaliyeed.

Intaasi kadib madaxweynuhu waxa uu saraakiisha ciidammada qalabka sida ka codsaday in ay hortiisa ka balan qaadan in ay fuliyaan dhammaan awaamiirta ka soo baxday madaxda dalka.

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay Abaanduulaha ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed oo sheegay in shacbiga Soomaaliyeed hantidooda ay wax ku soo barteen, ballanna ay ku qaadayaan ilalinta amnigooda iyo sharaftooda.

Ugu danbeyntii Agaasimaha hay’adda nabad sugidda qaranka Axmed Macallin “Fiqi” oo isna ku hadlayay magaca hay’adda nabad sugidda Qaranka ayaa sheegay in ay muuqato ifafaalladii lagu xalin lahaa mashaakilaadka dhinaca amniga ah, hasa ahaatee kuwa badan lagu guulleystay.

Si kasta ha ahaatee Kulanka uu maanta la qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh saraakiisha ciidamada iyo wasiirrada qaabilsan amaanka dalka ayaa ah kulankii ugu horeeyay ee uu la qaato hay’adaha Ammaanka Qaranka.

SomaaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: