Wasiirka Gaashaandhigga: Ma loo dulqaadan doono kuwa wasaqeynaya magaca ciidamada Qalabka sida.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo saakay wareysi siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da, wuxuuna ka waramay howlgalladii maalmahan ay ciidammada xoogga dalka Soomaaliya ka wadeen wadooyinka gobolka Shabeelada Hoose.

Wasiirka waxaa uu caddeeyey in  laga gaaray guulo maadaama lagu soo qabqabtay kooxo badan oo burcad ah islamarkaana dareyska Ciidammada wax ku dhibaateyn jiray waxaana uu xusay inaan loo dul qaadan doonin haba yaraatee kuwa magaca Ciidammada wasaqeynaya.

Sidoo kale Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in Wasaaraddu ay ku dadaali doonto sidii ay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku heli lahaayeen xuquuqdooda iyo waxyaabaha noloshooda lagama maarmaanka u ah sida daryeel Caafimaad oo shaqsiyan ah iyo in sidoo kale la daryeelo Xaasaska ay ragoodu ku shahiideen difaaca dalka.

Dhanka kale Wasiirka gaashaandhigga Dowladda Soomaaliya Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa Jimcihii shalay kulan la yeeshay saraakiisha ciidamada Afrika ee ku sugan Soomaaliya, isagoo kala hadlay sidii loo sii wadi lahaa howgallada dalka looga saarayo Xarakada Al-shabaab oo weli ka talisa dhul ballaaran.

Mudane Fiqi ayaa si gaar ah ula kulmay  taliyaha guud ee AMISOM, Jen. Andrue Guthi iyo ku xigeenkiisa, Simon Kranja, isagoo ka dalbaday inay gacan ka geystaan dib u dhiska ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo qalabeyntooda, si ay ula wareegaan gacan ku haynta ammaanka dalka oo dhan.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya uxuu  warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiskiisa Muqdisho ku yiri: “Kulanku wuxuu ahaa mid muhiim u ah sii socoshada dagaalka lagula jiro Al-shabaab oo caqabad ku ah ammaanka Soomaaliya, waxaana naga go’an in si dhaqso ah aan dalka oo dhan uga saarno, insha Allah dhawaan shacabku waxay arki doonaan wax ay ku farxaan.”

Sidoo kale wuxuu sheegay in kulan ay uga hadleen  sidii dib loogu dhisi lahaa ciidamada xoogga dalka iyo qalabeyntooda, taasoo ah arrin aan muhiimadda koowaad siinayno xilligan, waxaa kaloo aan  ka hadalnay sidii dhallinyarada Al-shabaab ay qaldeen loogu abuuri lahaa fursad ay dib ugu dhismaan mustaqbalkooda.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa tilmaamay in howlgallada dalka ka socda ay saameyn weyn ku leedahay cunaqabateynta xaga hubka ah ee Soomaaliya saaran si dib loogu dhiso Ciidammadana ay lagama maarmaan tahay in cunaqabateyntaasi la qaado.

Taliyeyaasha ciidamada AMISOM ee kulanka la qaatay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaan iyagu ka hadlin kulankaan iyo qodobbadii looga hadlay, iyadoo ay horay taliyeyaasha AMISOM u sheegeen inay si dhow ula shaqeyn doonaan golaha wasiirrada xukuumadda cusub ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, wasiirka Gaashaandhigga wuxuu shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay qaybtooda ka qaataan dib u dhiska iyo taageerrada ciidamada xoogga dalka oo uu sheegay inay yihiin kuwo sabab u noqon kara in dalka uu cagihiisa ku istaago.

 SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: