Shir 57 Dowladood oo Islaam ah uga furmay magaalada Khartoum ee dalka Sudan.

Waxaa magaalada  Khartoum ee dalka Sudan oo Shir Balaaran uga furmay, kasoo ay qayb galeen in ka badan 57 Dowladood Islaam ah, ayaa waxa looga hadlayay sidii loo hor marin lahaa Jaamacada ku yaala Wadamada Islaamka gaar ahaan looga hormarin lahaa dhanka Tiknoolajiyada iyo Sayniska si loo gaaro mustaqbal wanaagsan. SAWIRRO

Shirkan oo ahaa kii 6-aad ayaa waxaa isugu yimid Wasiira Tacliinta sare oo Dowladaha islaamka oo ay  sanadkan marti galinaysay Dowladda Sudan.

Sidoo kale Wadamadii ka qayb galay Shirkan ayaa waxa ka mid ahaa Wadanka Soomaaliya, waxaana uga qayb galay wafdi ka socday Wasaaradda Adeega Bulshada qeybteeda Waxbarashada, waxaana ka mid ahaa Mas’uuliyiinta kala ah Ismaaciil Yuusuf Cusmaan oo ah Madax Waaxda Tacliinta sare iyo Diraasaadka Dibadda iyo Abu Cali Sheekh Xaamud oo isagana ah madaxa Waaxda Imtixaanaadka iyo Kormeerka.

Madax Waaxda Tacliinta sare iyo Diraasaadka Dibadda Mudane Ismaaciil Yuusuf ayaa Warbaahinta  u sheegay isaga oo ku sugan Magaalada Khartoum in shirkan Soomaaliya faa’ido badan ugu jirtay iyadoo sidii horay loo agaa ay Soomaaliya shirarka nuucaan oo kale ah ya ka maqnaan jirtay hasa yeeshee ay sanadkan Soomaaliya booskeedii kasoo muuqatay.

Waxaa kaloo Saxaafadda la hadlay  Abu Cali Sheekh Xaamud oo ah Madax waaxda Imtixaanaadka iyo Kormeerka wuxuuna shegay intii uu shirkan socday ay kulamo la qaateen in kabad 5 wasiir oo ka kala socday wadamo ay ka mid ahayeen Turkiya, Ciraaq, Sudan, Uganda, Kuwait, iyo kuwa kale oo Wasiiradooda shirkan kasoo qayb galeen.

Sida caadada u ah Wadamada Islaamka Wasiiradooda Tacliinta sare in Shirkan la qabto 2dii  sanoba mar, iyadoo sanadkana loo doortay in uu hogaamiyo 2 sano ee soo socota Wasiirka Tacliinta Sare ee Dalka Sudan.

SomaliSwiss   Khartoum

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: