Madaxda sare ee dalka Kenya oo si wada jir ah u amray in la baaro Khasaarihii ka dhacay Magaalada Gaarisa, dibna loo dhiso Suuqaas.

Toddobaadkiii hore ayey  ahayd markii uu dab la qabadsiiyay suuqii ugu weynaa magaalada Gaarisa ee gobalka Waqooyi-bari waddanka Kenya, waxaana arrintaas ka hadlay madaxda waddankaas.

Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki oo shaley saxaafadda kula hadlay aqalka madaxtooyadda Harambii ayaa ballan qaaday in dib loogu dhisi doonoo dadkii ku hanti beelay suuqa ugu weyn Gaarisa oo ah Suuq-Mugdi, kaas oo ay dab qabadsiiyeen ciidamada ammaanka Kenya.

Sidaas darteed Madaxweynuhu wuxuu sheegay in gacan la siin doono dadkii ku hanti beelay suuqa oo dowladda ay lacag siin doonto, wuxuu hoosta ka xariiqay madaxweyne Kibaki in tallaabo laga qaadi doono askartii gubtay suuqa magaalada Gaarisa.

Sida lagu soo warramay hadalka Madaxweynaha ayaa yimid kaddib markii shalay loo gudbiyay cabasho ku aadan inta uu la egyahay hantida ku gubatay suuq-mugdi, sidoo kale Xildhibaannada ka soo jeeda gobolka waqooyi-bari Kenya ayaa sheegay haddii aan tallaabo laga qaadin wixii ka dhacay Gaarisa inay arrintaas dhallin karto cawaaqib xun.

Magaalada Gaarisa ayaa waxaa shalay booqasho ku tagay ra’iisul wasaaraha Kenya, Raila Odinga, isagoo shacabka magaladaas u sheegay in magdhow laga siin doono khasaarihii maaliyadeed ee ka dhashay gubashada suuqii ugu weynaa Gaarisa ee Suuq Mugdi.

Odinga wuxuu sheegay in baaritaan lagu sameynayo khasaarihii nafeed ee ka dhashay rabshadihii ay milaterigu ka geysteen magaaladaas, wuxuuna si gaar ah carrabka ugu dhuftay in la ciqaabi doono cid walba oo ay kusoo baxdo inay ka ma’suul ahayd dhibaatooyinkii ay milaterigu geysteen.

Rabashadihii ka dhacay Gaarisa oo ka dhashay in saddex askari oo si gaadmo ah loogu dilay magaaladaas ayaa waxay sababeen in milaterigu ay howlgallo safballaaran ah ka sameeyaan magaladaas, iyadoo la ogyahay dhimashada laba qof iyo dhaawaca in ka badan 50-qof oo ay ku jiraan haween iyo waayeel.

Si kastaba ha ahaatee milateriga Kenya waxay iska diideen inay mas’uul ka yihiin dhibaatadii ka dhacday Gaarisa, gaar ahaan gubashada suuqii weynaa degmada, kaasoo ay ku gubatay hanti fara badan.

Magaalada Gaarisa oo ah xarunta gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya ayaa waxaa ku soo kordhay tan iyo bishii Oktoobar ee sannadkii hore oo ay Kenya ciidammo u dirtay Soomaaliya dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ay waxyeelladu kasoo gaarayso dadka shacabka iyo ciidamada ammaanka.

SomaliSwiss    Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: