Advertisements

Xildhibaanno ka socda Jaamacadda Carabta oo Soomaaliya ay ka mid tahay oo gaaray Marinka Gaza ee dhulka Falastiin

Ururka Barlamaanda  dalalka Carabta oo ay ka mid tahay Soomaaliya ayaa u diray  Xildhibaanno ka socda Ururkaas oo shalay  gaaray marinka Gaza ee dhulka Falastiin oo duqeymo ay ku haysay Israa’iil tan iyo toddobaadkii hore, waxaana ay booqdeen goobihii ay duqeeyeen diyaaradaha dagaalka Yuhuudda.

Wofdiga Barlamaana Soomaaliya waxaa hoggaaminayey Mudane Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ahaa mudanayaashii dalalka Carabta ee gaaray Gaza waxaana la  sheegay inay ku sugan halkaas si ay u arkeen dhibaatooyin ba’an oo ay Israa’iil ka geysatay marinka Gaza oo ka mid ah dhulalka reer Falastiin ee ay haysato Israa’iil.

Xildhibaan Dalxa oo  warbaahinta Soomaaliyeed la xiriirtay wuxuu yiri.”Waxaan aragnay dhismayaal waaweyn oo burburay, waxaana goobjoog u ahayn maydad laga soo saarayay dhisme la duqeeyay, runtii dhibaatada dhacday waa mid aad u weyn”  

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay inay booqdeen intii ay ku sugnaayeen Gaza tan iyo shalay oo Khamiis ahayd goobo badan oo ay Israa’iil madaafiicda la beegsadatay kuwasaoo ay u badan deegaannada ay dadka shacabka ahi deggen yihiin.

Dhanka kale Booqashada xildhibaannadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo duqeyn sideed maalmood oo xiriir ah socotay oo ay Israa’iil ku garaacaysay marinka Gaza laga gaaray xabad-joojin aan rasmi ahayn, taasoo looga dhawaaqay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar.

Sida lagu soo warramay Xabad-joojinta ayaa waxaa ka shaqeeyay Mareykanka iyo Masar, iyadoo Israa’iil iyo Falastiin ay ogolaadeen in la joojiyo xabbada, balse lama oga waxa xigi doona iyadoo la sheegay in Xamaas ay gantaallo ku dhufatay Israa’iil xabbad-joojinta kaddib.

Si kasta ha ahaatee duqeymihii u dhexeeyay Falastiin iyo Israa’iil ayaa waxaa ku dhintay 140-qof oo u dhashay dalka Falastiin halka Yuhuudda ay uga dhinteen shan qof oo kaliya, iyadoo ay ku dhaawacmeen duqeymayaas in ka badan kun qof.

SomaliSwiss     Gaza

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: