Advertisements

Madaxweyne Faroole oo gaaray magaalada Qardho iyo Banaanbaxyo rabshado wata oo lagu soo dhoweeyay.

Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/raxmaan M. Maxamuud Faroole ayaa maanta gaaray magaalada Qardho oo ka tirsan gobolka Bari, halkaasi oo ay shacabka reer Qardho kusoo dhoweeyeen mudaaharaadyo rabshada wata. HOOS KA DAAWO SAWIRADA OO BADAN

Madaxweyne Faroole ayaa waxaa magaalada Qardho kusoo dhaweeyey mas’uuliyiinta maamulka degmada Qardho, balse dhinaca kale magaalada waxaa ka dhacay banaanbaxayaal rabshado wata oo dad ay ku waxyeeloobeen.

Inta la ogyahay laba ruux ayaa ku dhaawacantay banaabaxyadaasi rabshadaha wata ee maanta ka dhacay magaalada Qardho, waxaana dadka banaanbaxayaasha ah ay ahaayeen kuwo iyagu kasoo horjeeday mudo kororsi uu madaxweynaha maamulkaasi sameeyey.

Ciidammada magalaada ku sugan iyo ilaalada gaarka ah ee Madaxweynaha Puntland ayaa dadkii banaanbaxayaasha ahaa rasaas ku kala racdeeyey waloow ay banaanbaxayaashu markii dambe isku badaleen rabshado, ayadoo rabshadahaasina ay magaalada saameyn ku yeesheen dhaq dhaqaaqyadii ka jiray.

SomaliSwiss Qardho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: