Gudoomiyaha Baarlamanka oo sheegay in ay xoogga saari doonaan soo celinta karaamada muwaadinka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in ay ka shaqeeyaan sidii loo soo celin lahaa sharafta iyo karaamada  muwaadiniinta Soomaaliyeed, isla markaana ay waajib tahay in amniga qof walba la dhowro.

Prof. Maxamed Sheikh Cusmaan ‘’Jawaari’’ oo wareysi siiyay qaar ka mid ah Warbaahinta  Muqdisho ayaa sheegay in Baarlamanka Somaliya ay ka go’antahay sidii loo soo celin lahaa sharafta iyo karaamada ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ku lahaayeen wadamada caalamka.

Guddoomiyuhu oo ka hadlayey arrintaa wuxuu yiri: ‘’waxaanu ku dadaali doonaa sidii aan ku soo celin laheyn sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed oo gaarsiino marki ay tagaan wadamada caalamka in ay ku faanaan Soomaalinimadooda’’.

Dhanka kale Afhayeenka Baarlamanka ayaa wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in waqti aan sidaa u sii fogeyn ay dib u soo laabandoonto sharaftii iyo tixgelintii ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ku lahaayeen caalamka, taasina waxay ku imaaneysaa ayuu yiri dowladnimadeena oo aan adkeeyno, kuna dadaalno sidii aan u soo celin laheyn sharafta iyo Karaamada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku tabaaleysan wadamada caalamka.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: