Advertisements

Hay’adda nabad sugida oo soo bandhigtay hub iyo maleeshiyaad ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Hay’adda Nabad sugidda Qaranka ayaa maanta soo bandhigtay meydka horjooge ka tirsanaa Shabaab iyo 16 qofood oo uu hoggaaminayay kaddib howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Yaaqshiid.

Mudane Khaliif Axmed Ereg oo ahTaliyaha Nabad sugidda Gobolka Banaadir oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ciidamadu ay heleen xog ku saabsan in horjoge C/nuur Gacmoole “Gardhuub” oo ah ninka la dilay iyo maleeshiyaad uu wato ay hub ku heystaan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, ciidamaduna ay saakay soo qabteen.

Ninkan la dilay ayuu sheegay taliyuhu inuu dagaallamay ciidamaduna ay toogteen, kadib markii uu iska caabiyay.

C/risaaq Ibraahin Salaad oo ka mid ah dhallinyaradii la soo qabtay ayaa sheegay in maleeshiyaadkaani ay gurigiisa hubka dhigan jireen, warbixina uu siiyay hay’adda nabad sugidda kaddib markii goor sii horreysay ay gacanta ku dhigeen.

Hay’adda ayaa sidoo kale soo bandhigtay hubkii ay heysteen maleeshiyaadkaan la soo qabtay oo ay ku jireen qoryaha fudud, baasuukeyaal, Bambada gacanta laga tuuro iyo bustoolado.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: