Golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya oo maanta kulankoodii ugu horeeyey ku yeeshay Muqdisho.

Golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa ay maanta  magaalada Muqdisho ku yeesheen Shirkoodii ugu horeeyey, waxaa shir guddoominayay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, waxaana looga dooddayay qoorshaha cusub ee Xukuumadda hor-yaala qeybta ugu horeysa uguna muhiimsan, sida amniga iyo hantida Qaranka.

Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaariinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa wuxuu saaxafadda siiyay warbixino la xiriira shirkii golaha wasiirrada ee maanta iyo Qodobbadii ay diirrada saareen, wuxuuna tilmaamay in laga hadlay sidii loola jaan qaadi lahaa isbaddelka cusub sida wax ka qabashada ammaanka iyo dowladda wanaagga oo ah saldhigga dowladda Soomaaliya, isagoo intaa raaciyay in qodobbada muhiimka ahaa ay ka mid ahaayeen sidii loo soo celin lahaa hantida Qaranka Soomaaliyeed ee dalka iyo dibedba ku maqan.

Wasiirka Warfaafinta ayaa daboolka ka qaaday in hay’adaha dowladda oo dhan in ay si wadajir ah u shaqen doonaan, isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan looga dareemi doono hay’ad walba, isagoo xusay in shirka todobaadlaha ee Golaha wasiirrada in uu isbaddel ku yimid oo todobaadkiiba ay Laba mar kulmi doonaan.

Sidoo kale wShirkii maanta ee Golaha wasiirrada Soomaaliya oo qaatay waqti aad u dheer ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee ay si wadajir ah isaga war qaataan tan iyo markii ay si rasmi ah ula wareegeen dhammaan howlaha loo igmaday, waxaana taasi ay muujineysaa isbaddelka cusub ee ay ballan qaaday xukuumadda Ra’iisul wasaare “Saacid”.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: