Afhayeenka Baarlamanka Soomaaliya oo maanta la kulmay wafdi ka socday Qaramada Midoobay.

Afhayeenka Baarlamanka Soomaaliya Maxamad Sheikh Cusmaan “Jawaari” ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Laamaha Qaramada Midoobay kuwaas oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Kulankan uu la qaatay guddoomiyaha baarlamanka wafdiga ka socday Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay qaabka ay Qaramada Midoobay u maamulijirtay barnaamijyada loogu talagalay dalka.

Kulanka kadib ayaa waxaa warbaahinta qaranka la hadlay Afhayeenka Barlamanka waxa uuna sheegay in ay isla meeldhigeen sidii loo dardar galin lahaa dib u dhiska laamaha amaanka, garsoorka iyo kaabayaasha dhaqaale ee Soomaaliya.

Sidoo kale Jawaari ayaa tilmaamay in ay socdaan dadaale kale oo ay wadaan dalal saaxiibo la ah Soomaaliya kuwaas oo daneynaya in ay ka qeybgalaan dib u dhiska wadanka.

Afhayeenka Baarlamanka Soomaaliyeed ayaa maalmihii la soo dhaafay ku howlanaa qaabilaadda wufuud kala kala socotay dalal dhowr ah oo aad u daneynaya in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska Dalka.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: