Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay Kulanka guddiga farasmada ciidamada oo ka koobnaa Saraakiisha dowladda Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo dowladaha deeq bixiyeyaashaoo lagu qabtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde. HOOS KA DAAWO SAWIRADA KALE
Kulankan ayaa waxaa looga hadlayay taakuleynta dib u dhiska ciidamada iyo horumarinta amniga dalka oo ay soo qaban-qaabiyeen guddiga farsamada ciidamada oo ka kooban dowladda Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo dowladaha deeq bixiyeyaasha ah ayaa waxaa dowladda Soomaaliya uga qeyb-galay wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Taliyaha ciidanka ciidamada XDS, saraakiil kale oo ka tirsan Qaramada Midoobay iyo dowladaha deeq bixiyeyaasha ah.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/xakiim Fiqi oo furay kulanka ayaa ka hadlay hormarka ugu dambeeyay ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amaanka iyo siyaasada.
Mudane C/xakiim Xaaji Maxamuud “Fiqi” ayaa tibaaxay in ay ka go’antahay sidii loo soo nooleyn lahaa ciidamo awood badan kuwaas oo dalka ka xoreeya kooxaha xagjirka ah ee Al-Shabaab.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.